Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweyne Siilaanyo oo wareegto ka soo saaray adeegsiga hantidda qaranka iyo in warbaahinta dawlada oo loo sinaado..

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa dagreeto ku soo saaray in wakhtiyada ololaha saddexda xisbi u sinaadaan warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha magaalooyinka.


“Madaxweynaha Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu maanta wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/P/WM/ -50 /092017 uu ku dhaqan geliyey saddexdan arrimood: 1. Reebbanaanta U Adeegsiga Hantida Qaranka Ololaha Xisbiyada, 2. Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada iyo 3. Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale, waxa uu madaxweynuhu sheegay inay reeban tahay in hantidda qaranka loo adeegsado ololaha xisbiyadda.

Qoraalkan ayuu madaxweynuhu ku socodsiiyey gudoomiyeyaasha goboladda, wasiirada iyo gudoomiyeyaasha degmooyinka, waxaanu qoraalkaasi u qornaa sidan:“Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh doorashada Madaxtooyada oo u qorshaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, waxa reebban in hantida qaranka nooc kasta oo ay tahay ba in loo adeegsado ololaha doorashada ee axsaabta qaranku ay ku loolamayaan.

Waxa kale oo reebban in Shaqaalaha Dawladda, Saraakiisha iyo Xubnaha Ciidammada ee kala duduwani, in ay galaan ololaha doorashada ee axsaabta qaranka.

Waxaan rajaynayaa in amarkaasi oo sidiisa u fulo. Cid kasta oo baal martana, waxa laga qaadi doonaa tallaabo ku habboon oo sharciga waafaqsan.

Ø Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Isticmaalka Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Wakhtiga Ololaha Doorashada

Ku : Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Hargeysa

Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Degmooyinka JSL Xarumahooda

Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka Hargeysa

Og: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hargeysa

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo ku muddaysan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, aniga oo ka duulaya Qodobka 26aad ee Xeer Lr. 20-2/2005, iyo Xeerka Hab-dhaqanka ee Xisbiyada oo faraya in Xisbiyada Qaranka u sinnaadaan muddada ololaha doorashada isticmaalka warbaahinta dawladda iyo fagaarayaasha khayriyadda.

Waxaan idin farayaa, idinkuna adkaynayaa in loo sinnaado muddada baahinta (hawo kujiridda) ee Idaacada Hargeysa, TV-ga Qaranka iyo Wargeysyada Dawladda, isla markaana si isku mid ah loo adeegsado fagaarayaasha khayriyadda ee gobollada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan mar labaad, idin farayaa in aad dhaqan gelisaan shaxda qoondaynta ololaha ee saddexda xisbi qaran iyo sii deynta barnaamijyada ololaha doorashada ee ay soo saarayaan Komishanka Doorashooyinka, si loo helo in dalka ay ka qabsoonto doorosho xor iyo xalaal ah oo loo siman yahay.

Ø Ujeeddo: Wareegto Madaxweyne; Gacan Siin Komishanka Doorashooyinka Qaranka

Ku: Golaha Wasiirrada JSL Hargeysa

Ku: Guddoomiyeyaasha Gobollada JSL Xarumahooda

Ku: Taliyeyaasha Ciidammada Xarumahooda

Ku: Guddoomiyeyaasha Degmooyinka JSL Xarumahooda

Ku: Madaxda Hay’adaha Madaxa Bannaan Xarumahooda

Mudanayaal,

Sida aynu wada ognahay, waxa dalka ku soo fool leh Doorashada Madaxtooyada oo u qorshayan 13-ka November, 2017-ka. Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad qaranka u haysaan, waxa la idin farayaa in aad ka gacan siisaan Komishanka Dooraashooyinka Qaranka gudashada waajibaadka qaranka ee ku aaddan qabsoomidda doorashada Madaxtooyada, idinka oo raacaya shuruucda iyo xeerarka Dalka u dejisan.

Waxaan mar labaad, idinku adkaynayaa in aad gacan buuxda ka siisaan Komishanka heerarkiisa kala duduwan ee qaran, gobol, degmo iyo goob kasta, kana digtoonaataan wax kasta oo u muuqan kara fara-gelin, una diyaarisaan goobaha ay u baahan yihiin sida Dugsiyada, Xannaanooyinka, Goobaha Dawladda ee ay u baahdaan.

Guddoomiyeyaasha Gobollada iyo Taliyeyaasha Ciidammada Qaranka, waxa si gaar ah loo farayaa in ay ka gacan siiyaan Komishanka heer Gobol, heer Degmo iyo heer goobeedba, hawlaha nabadgelyada iyo xasilinta amniga, muddada doorashadu socoto ka hor iyo kadib, iyaga oo ahmiyad weyn iska saaraya arrimaha keeni karaya nabad-gelyo darrada.”.

Xisbiyadda mucaaradka ayaa dhawr jeer oo hore xukuumadda ku eedeeyey inay adeegsanayaan hantidda qaranka iyo shaqaalaha dawladda taas oo sharcigu ogolayn.

Hargeysa Online

· abdi on September 30 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>