Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somaliland Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Wafti Ballaadhan Oo Ka Socday Hay’adda Nabadda ee Dalka Yemen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafti sarre oo ka socday hay’adda nabadda iyo isdhex-galka bulshada ee dalka yemen, waftigani ayaa madaxweynaha Somaliland, uga yimid sidii wanaagsanayd ee ay xukuumadda iyo shacbiga Somaliland usoo dhaweeyeen qaxoontigii ka yimi dalka yemen ee soo gaadhay Somaliland, waxaanay madxweynaha gudoonsiyeen shahaado sharaf ay ugu magac dareen shahaadada nabadda iyo horumarinta iskaashiga dunida.



Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u jooga dalka Yemen Amb. Cali Maxamed Axmed ayaa sheegay in waftigani si weyn ugu faraxsanyihiin qaabilaada wanaagsan ee ay kala kulmeen madaxwayne, Axmed Maxamed Silaanyo waxaanu yidhi “Waxay waftigani ugu yimaadeen Madaxweynaha inay uga mahad celiyaan sidii wanaagsanayd ee Jamhuuriyadda Somaliland u soo dhawaysay qaxoontiga yemen ka soo bara-kacay, waxaanay madaxweynaha siiyeen shahaado sharaf la yidhaahdo shahaadada nabadda iyo soo dhawaynta, aad baanay ugu farxeen sidii wacnayd ee aynu u qaabilnay dadkaasi yemeniyiinta ah mudadii ay halkan joogeen, iyagoo ku tilmaamay in aanay dareemayn inay meel kale joogaan waxaanay u arkayeen dad dalkoodii oo kale jooga, taas ayay ugu yimaadeen madaxewynaha” ayuu yidhi safiirka Somaliland u fadhiya Yemen.



Dhinaca kale Guddomiyaha hay’adda Nabadda iyo horumarinta bulshada ee dalka Yemen ahna hogaamiyaha watay waftigani ayaa si weyn ugu mahadceliyay madaxweynaha JSL sida wanaagsan ee uu u soo dhaweeyay qaxoontigii tiradda badnaa ee ka soo jeeday dalkooda isagoo sheegay in ay Yemeni ay abaal weyn u hayso Somaliland waxaanu yidhi ““ Xaqiiqdii waxaannu madaxweynaha sharafta leh ugu mahad-naqnay sida wanaagsan ee lanoo marti sooray iyo qalbiga wanaagsan ee uu nagu qaabilay, sidoo kale waxaanu u mahad naqaynaa Xukuumadda iyo shacbiga Somaliland daryeelka iyo sharafta aannu kala kulanay, taasina maaha wax ku cusub shacbiga Somaliland balse waxa jira xidhiidh dheer oo hore, kaas oo isku kaayo xidha, oo ah xidhiidh walaalnimo, xidhiidh jaar-nimo, iyo xidhiidhka qoys kaliya ayaa naga dhaxeeya annaga iyo Somaliland.



Waxaannu ka mahadnaqaynaa taageerada Xukuumadda Somaliland ay siiso jaaliyada Yemen, hadii aannu nahay hay’ada Jacaylka iyo nabadda bulshadda, waxaanu Jamhuuriyadda Somaliland u aragnaa dal nabad iyo jacayl ku dhisan, waxaanu Madaxweynaha sharafta leh, Allaah ha xafidee gudoonsiinay shahaadada nabadda iyo Jacaylka, taas oo salka ku haysa dadaalkiisa iyo go’aamadiisa bini-aadamnimo ee uu qaatay gaar ahaan dadka Yemaniyiinta ah. Markii ay dalal badani albaabadooda ay xidheen wakhtigii colaadii iyo dagaalkii Yemen ka dhacday, Somaliland waxa ay ahayd xudunta dalalkii na qaabilay, waxaanay ahayd dalkii koowaad, sida Jamhuuriyadda Jabuuti oo kale”.



Ugu danbayntii waftigani ayaa Madaxweynaha guddonsiiyay shahaado sharaf ay sheegeen inuu madaxwaynuhu ku mutaysatay qaabiladii quruxda badnayd ee uu u fidiyay dadka qaxoontiga ah ee reer yemeneed.A

 

Hargeysa Online


 

· abdi on October 29 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>