Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Musharixiinta sadexda xisbi ee Somaliland oo sida wada jir ah dadweynaha ula hadlay.

Saddexda musharax ee u tartamaya doorashada madaxtooyadda Somaliland ayaa dadweynaha codka bixinaya ku wargalinayey in ololihii xisbiyadu dhamaadaan,isla markaana iyagoo u kala qaybsanayn xisbiyadu ay codkooda dhiibtaan,isla markaana qof waliba xisbiga uu doonayo uu codka siiyo.


Sidoo kale, guddida doorashooyinka iyo saddexda xisbi qaran ayaa kulan ku yeeshay xarunta guddidaasi, markii uu kulankaasi dhamaaday waxay warbaahinta kala hadleen inay ka midaysan yihiin wixii caqabad u keenaya amniga iyo xasiloonidda wadanka.

Saddexda musharax iyo guddida doorashooyinka oo gacmaha is wada haysta ayaa fariin isku mid ah u wada diray dadweynaha,kuwaas oo ka codsaday in aanay jirin khilaaf iyo dhibaato udhexeysa xisbiyada oo uu musharax walba doonayo uun in uu wadanka horumariyo wax faraq ahina u dhexeyn.

Waxaanay dadweyanha usoo jeediyeen in marka la codayanayo aanay muujin in ay xisbiyo kala yihiin,isla markaana aanay u arag inay xisbiyadu col yihiin, waxaanay codbixiyeyaasha usoo jeediyeen in iyagoo walaalo ah wada codeeyaan oo mid waliba xisbiga uu rabo si nidaamka waafaqsan u codeeyo.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya kulankan iyo fariinta uu shacabka u dirayo waxa uu yidhi “ficilkii iyo ololihii naga dhexeeyey shalay baanu ku soo gabogabaynay waxaana wax walba ka horaysiinayna sharafta dalkayaga waydinkaa arkaya inaan gacmaha is wada haysano”.

“fariin midaysan ayaanu dirnay anagoo gacmaha is haysana waxaana shacabka ku wargalinaya in ololihii xisbiyadu dhamaaday oo qof waliba xisbiga uu doonayo u codeeyo, si nidaamka waafaqsan aanu safka u galno”ayuu yidhi gudoomiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi oo isna kulankan ka hadlayaa waxa uu yidhi “tartanka uma galayno in aanu dalka waxyeelayno, waxaanu doonayna in aanu horumarino oo musharx walba inuu dalka horumariyo ayuu u baahan yahay, waxa la isku hayaa sidan baa fiican iyo sidan kale fiican, col ma nihiin oo rag saaxiibo ah ayaanu nahay oo in badan soo wada shaqeeyey”.

Saddexda musharaxba waxay gardaro ku tilmaameen hadalo ka soo yeedhay maamulka Puntland oo sheegay in goboladda bariga qaarkood aan la keeni Karin sanaaduuqda doorashadda.

Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE oo fariin adag u diray Puntland waxa uu yidhi “Hadii aan Somaliland soo farogalisaan waxa lagu murmi doona Garoowe waxaanu leenahay nabadgalyada ha la ilaaliyo.”

Gudoomiye Cirro mar uu isna fariin udiray Puntland waxa uu yidhi “ maamulka Puntland waxay wadaan waa faro galin waxaana usheegayna beesha caalamka inay farogalintaasi la socdaan.”

Fariimahan saddexda musharax dirayaan ayaa looga jeeday sidii doorashadu si nabadgalyo ah u qabsoomi lahayd,isla markaana aanay dadku isku qabqabsan xisbiyadad u kala codeyanyaan.

Dhinaca kale, guddida Komishanka waxay ku adkaysteen xidhitaankii baraha bulshadda oo ay xidhayaan maalinta doorashaddu dhici doonta ilaa inta lagu dhawaaqayana uu xidhnaan doonno, waxaanay shegeen inay sidaas u yeeleen in si aan loo soogalin warar been abuur ah oo aan ka soo bixin Komishanka.

Hargeysa Online

 

· ifraax on November 11 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>