| ||
|
Talo soo jeedin madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muse Bixi Cabdi..Warsaxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdmbeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan talo soo jeedin madaxwaynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muse Bixi Cabdi iyo ka feejignaan. Waxaa tartamay saddexda xisbi qaran dalku leeyahay tartankaas waxaa nasiib u helay xisbiga Kulmiye kuna guulaystay in uu hoggaamiyo waddanka waana qaddarka Alle lamana dhaafi karo. Talada aanu u soo jeedinnayna waxay tahay madaxwaynaha mudane Muse Bixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa mudane Cabdiraxman Cabdilahi Saylici Madaxwaynuhu in uu ka dhawrsoonaado Garweecsan Taas oo ah bulshada reer Somaliland oo aan si isku mid ah garta loogu qaadin. Guddoon jilicsan Kaas oo ah guddoon aan ku dhaca lahayn. Gacan gudhan. Taas oo ah hantida dalka oo loo kala badsado. Haddii Madaxwaynuhu iska ilaaliyo golddalooyinkaas aan la mahadain wuxuu heli ummad reer Somalilnad ah oo midaysan mucaariduna way yaraan. madaxwaynaha mudane Muse Bixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa mudane Cabdiraxman Cabdilahi Saylici waxaanu idin leenayahay hambalyo xilka culus ee aan rag ku cuslayn Allaah ayaa mahad oo dhamami u sugnaatay Muslimka innaga dhigay Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.16 seconds
|