Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Taariikhda Hooyaddii Fanka Soomaaliyeed ee Gudoodo Carwo oo maanta Hargeysa lagu aasay.

Haweenaydii ugu horeysay ee fanka Soomaaliyeed meel fakaare ah ka heesta Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil ee loo yaqaan Guduudo Carwo ayaa saaka ku geeriyootay magaalada Hargeysa ,islamarkaana Aas Qaran loogu sameeyey.


Guduudo Carwo ayaa ahayd gabadhii ugu horeysay ee af soomaali ku heesta qiyaastii 1950-aadkii, wakhtigaasi oo soomaalidda dhexdeedda fanku ceeb ku ahaa, waxaanay noqotay hooyadda hablaha fanaaniinta ah.


Inkastoo muddo dheer iskaga hadhay Fanka,isla markaana xanuun u jiiftay labaatankii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanay joojisay guud ahaan fanka, iyadoo aad u necbaatay heesaheeda in la dhagaysto iyo in xaga fanka laga waraysto, waxaanay mar walba odhan jiray waxay ahayd casri jaahilidii,isla markaana ku dooday in haddii ay sida hadda diinta u baratay u taqaano aanay fanka gasheen.

Sida ay noo sheegeen dadkii ka ag dhowaa Guduudo Carwo waxay sheegeen in 21-kii sano ee u dambeeyay u jiiftay xanuun kasoo dhinacay qalalka, Sanadkii 1952 ayay kusoo biirtay bahda fanka Soomaaliga, dadka taariikhda fanka ka warama waxay sheegaan inay ahayd gabadhii u horeysa ee Soomaalida goob fagaare ah ka heesta islamarkaana idaacada laga dhageysto. waxaa dadka u dhow ay sheegaan inaanay fanaanadu caruur ka tagin.

Guduudo Carwo waxaa ay dad badan oo Soomaali ah ku xusuustaan heesihii ay qaadi jirtay iyo kaalintii ay ku laheyd in fanka Soomaalidu dhinaca dumarka ka dhismo, waxa lagu xasuusta heeso iyada loo qaaday oo la odhan jiray Guduudo Carwooy gu’gii la arkaba yaa gashaati ka dhiga, waxa kale oo iyana jirta maahmaah magacyadeeda lagu soo dari jiray, waxaanay ahayd shakhsi xaga fanka looga dambeeyo.

Shamis Abokor Ismaaciil “Gudoodo Carwo” waxaa ay dhimatay iyadoo 82 jir ah, waxaanay mudooyinkii u dambeeyey ku nooleed magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, waxay ku dardaarantay in marka ay dhimato laga sheekeen fankeeddii iyo in aan heesaheedii la dhagaysan sida uu warbaahinta u sheegay Abwaan Aadan Tarabi oo ka hadlayey aaskii loo sameeyey marxuumadda.

Dhinaca kale, Madaxweynaha la doortay ee Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fanka iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Fannaanadii caanka ahayd ee Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-caro) oo ku geeriyootay Hargeysa.

“Marxuumad Shamis Abokor Ismaaciil (Guduudo-carwo) oo ahayd hooyadii fanka Soomaalida, isla markaana ahayd gabadhii u horraysay ee Soomaaliyeed ee ka heesta idaacad, waxay caan ku ahayd heesihii Soomaalida ee loo yaqaanay Qaraamiga, waxaanay hormood u ahayd horumarintii fanka Soomaalida.”ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha cusub Biixi.

Madaxweynaha cusub waxa uu ku sifeeyey Marxuumad Shamis Guduudo-carwo mid ka mid ahayd xidigihii ifiyey ee horumariyey fanka Afka Soomaaliga oo ka baxday dhammaan dadka Soomaalida ah, isla markaana waxa uu xusay inay ahayd addoon wanaagsan oo aad u cibaado badnayd.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumadda Alle uga baryayaa inuu jannadiisa Firdowsa ka waraabiyo, qoyska, qaraabada, ehelka iyo shacabkana uu Samir iyo Iimaan Saadiq ah ka siiyo. Aamiin….Aamiin….Aamiin.

Inaalilaahi waa inaahu raajucuun qof waliba wuu dhadhaminayaa geeridda, waxaana ilaahay u baryeynaa inuu janadda geeyo inagana samir iyo iimaan inaga siiyo.


Hargeysa Online

 

· abdi on December 07 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>