|
|

DOORASHADANI MA XUSBIYO AYAA TARTAMAYAY, MISE BEELO?
Doorashada Somaliland ka dhacday waxaan ahaa dadkii qurba uga tagay si ay goob joog uga noqdan sida ay doorashadu u dhacayso. Haddaba, waxaa markhati ka ahaa in Somaliland ka dhacday doorasho XOR ah oo XALAALI. Habka doorashada loo hirgaliyay waxaa ahayd mid aad loo adkeeyay in lagu shubto ama la is daba mariyo.Siddaa daradeed, waxaanan u halbalyaynayaa cid kasta oo ka qayb qadatay doorashadani, ooy ugu horeeyan Komishan Qarnanka Somaliland. Teeda kale, waxaan hanbalyaynayaa Madaxwaynaha la-doortay Muuse Biixi Cabdi iyo labadii musharax ee la tartamayay ee sida wadaniyada ah u haneeyay.Ujeeda aan qalinka u qaatay waxay tahay in aan ka hadlo xusbiyada Siyaasada ee Beelaha ku olalaynayay iyo siddii looga guuri lahaa Siyaasada Qabyaladani ku soo aroortay.Xusbiyada waxaanu u samaysanay si aynu uga baxo qabyalada, waxaa ahayd in aynu ku abtisano Xusbiyo, lakiin waxaa dib ugu noqonay Beelo, iyo TOLAA YEEY. Anigu waxaan qabaa in ay Illahay inaga badbaadiyay dagaal sokeeye ooy doorashadani inoo horseedi lahayd. Haddii tirada lagu kala badiyay ay isku dhawaan lahayd waxaan qabaa in cida laga helaa ayna aqbasheen, maantana dhiig badan daa’adan lahaa.Haddaba, waxaan qabaa in doorashadan ay inoo noqoto cashar fiican “lesson learned”. Sida kaliya een uga faa’iidaysan karaana waa in aynu dib-U-hayn ku samayno ooynu dhisno Xusbiyo Qaran.Waxaanan qabaa in madaxwaynaha la-doortay caqabada ugu wayn ee hortala ay tahay sida ummada ku kala qaybsantay doorashadani lagu doortay u midayn laha. Maanta waxaa loo doortay inuu Madaxwaynu u noqdo ummad ku kala qaybsan Beelo iska soo horjeeda, ama Beelo tageersan iyo Beelo ka soo horjeeda.Doorashadani waxaa tartamayay saddex musharax oo ka soo jeeday saddex xusbi. Marnaba may ahayn in Beelo loo kala safto, ma ahayn in Salaadiin iyo Oday dhaqameedo la soo kiciyo. Ummada Somaliland waxaa ka soo baxay doorasho u kala qaybisay QABIILOOYIN iska soo horjeeda. Madaxwaynaha la-doortay waxaa hortala inuu noqdo madaxwaynaya dadka oo dhan, kuwa doortay iyo kuwa aan dooranba.
Marka, Madaxwaynaha la-dooray waa inuu soo af-jaro qabyalada foosha xun ee ummada Somaliland u kala qayb qaybisay Beelo iska soo horjeeda, waa in ay noqoto arinta ugu horaysa ee ay tahay inuu ka hawl galo. Ummada Somaliland waa in ay saddexda xusbiyada qaranku ku abtisada. Haddii kale, waa in aynaa doorasho danbe danbe kharash iska galin ee HAB BEELEED isku maamulno, oo Beelkasta sanad dalka maamusho.HADDABA, XALKU MUXUUUU YAHAY?Haddii doonayno in aynu qabyalda iyo siyaasadani isku murigtay soo af-jarno waa in aynu dib ugu noqo XEER-14, Xeerka Xusbiyada Qaranka. Waa in XEER-14 lagu daro qodabadani:MUSHARAXA MADAXWAYNAHA IYO GUDOOMIYAHA XUSBIGA LA KALA SARO.Waa in aanu gudoomiyahu xusbigu noqdo maamulaha xusbiga, lakiin aanu noqon musharaxa madaxwaynaha ee xusbiga. Haddii uu doonayo inuu musharax noqdo waa in uu sanad ka hor iska casilo gudoomiha xusbiga. Saddexda musharax ee doorashadani u tartamayay waxay ahaayeen saddexda gudoomiye ee xusbiyadooda. Taasina waxaa keentay in Beesha uu gudoomiyaha ka soo jeedo ay u arkan in ay xusbiga leeyihiin, sida daradeedna ay bixiyan dhaqalaha xusbiga ku baxa iyo dhaqalaha olalaha doorashada.DIIWAN GALINTA TAGEERAYAASHA XUSBIYADA.Waa in la diiwan galiyo tageerayasha xusiyada. Degmo kasta (Xaafad-kasta ama Tuulo-kasta) ay soo xushaan xubnaha Golaha Dhexe ee xusbiga ee dagaankooda u matalaya. Haddanba, si loo helo “equal representation” ama tiro isku dheeli tiran oo degan kasta u matala Golaha Dhexe ee xusbigu, waa in xubnaha xusbiga u diiwan gashan tiro isleg lagu soo xusho. Tusaale ahaa; 100 qof ee xusbiga u diiwan gashani waa in hal qof golaha dhexe u doortaan. Sida daradeed, Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbigu waa in ay soo xushaan musharaxiinta Golaha Deganka, Golaha Wakiilada iyo Madaxwaynaha/Madaxwaynaha ku-xigeenka Xusbiga.DHAQALAHA XUSBIGAXubnaha golaha dhexe ee xusbiga loo doorto waa in ay bixiyaan lacag (e,g. $5 bishii). Teeda kale dadka qurbaha ee u diiwan gashan xusbigu waa ay bixiyaan lacag (e.g. $20 bishii). Sidoo kale, waa in Dawladu kaabto kharashka xusbiyada ku baxaya; mushaharka hogaamiyayaasha xusbiyada heer Qaran iyo waliba kharashaka Xafiisyada iyo shaqalaha ka shaqeeya xafiisyada lixda gobal.Haddaba, si loo hirgaliyo qodabadan iyo kuwa kale ee la xidhiidha Xeer-14 waa in Komishanka Qarnka Somaliland ama Gudida Ururada/Xusbiyada qaranku awood loo siiyo ay ku dabagalaan inuu xusbi kasta hirgaliyo Xeer-14ka. Xusbiga aan fulin qodabadani hogaamiyayaashisa shaqada laga eryo. Haddii qodabadani la hirgaliyo, waxaa hubaal noqon doonta in Xusbiyadu noqon doonan Xusbiyo Qaran oo ummada Somaliland wada leedahay, oo wiil iyo abihi ama laba walaali kala tageeran laba xusbi. Tani waxaa hoos u dhigaysa qabyalada qaawan ee dalka burburka u keenaysa. Dadka Somaliland iyaga oo abaaro, iyo sixir barar nafeeyay ayay haddana doorasho xamasadaysan leh galeen, oo dhaqaalahoodi ku bixiyeen, milicda safaf dhaadheer u galeen si ay u-doortaan Madaxwayne wax ka qabta dhibta haysata. Marka dadka Somaliland way ka soo baxeen qaybtoodi, lakiin waxaa la gadhay wakhtigii uu Madaxwaynaha la-doortana uu hawshiisa ka soo bixi lahaa, oo uu arintani caqabada ku ah midaynta ummada iyo horumarka dalka wax ka qaban lahaa.Haddaba, haddii Madaxwanaha la-doortay arintani dhayalsado, oo uu waxba ka qaban wayo, marka waxay nusqan iyo dib u dhac ku keeni doontaa horumarka dalka. Madaxwaynaha la-doortana madaxwayne Qaranka noqon maaayo , ee inta Beeshooda iyo Beelaha tageeray ayuu Madaxwayne u noqon doona, inta kalana waxay u arki doonan inuu yahay Madaxwayne Kabo-Qabiil.
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!OMAR ABDI YOUSUF OAKLAND, CALIFORNIADANTA QARANKA SOMALILAND AMA SOMALILAND-FIRST (SOMALILANDFIRST.COM).