Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo la kulmay guddoomiyhaa Xisbiga WADANI.

Madaxweynaha cusub ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI oo tan iyo intii loolankii adkaa dhex maray aanay si niyadsami ah iskugu iman.

Kulankan waxa dalbaday madaxweyne Biixi waxaanu ahaa mid is laabxaadhasho ah, waxaana goobta joogay madaxweyne ku xigeenka Saylici, iyo gudoomiye ku xigeenka 2aad xisbiga KULMIYE Axmed Cabdi DHeere, halka xisbiga WADANI waxa ka socday hogaamiyaha xisbiga WADANI C/raxmaan Cirro, ku xigeenkiisii iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbiga.

Madaxweyne Biixi ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii laysugu laab xaadhan lahaa xanaftii iyo ololihii dhexmaray xisbiyada wakhtigii lagu jiray ololaha doorashada iyo in la isla meel dhigo meelna looga soo wada jeedo danta qaranka, doorka mucaaridnimadu ay noqoto mid wax dhista, waxna toosisa, xukuumadduna ay dulqaadkeeda yeelato wixii toosin ah.

Kulanka ka dib waxa saxaafadda la hadlay Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlay Xisbiga Waddani waxaanu yidhi”  waxaanu ugu nimid Madaxtooyada, in aanu isku aragno Waddani ahaan iyo Xukuumadda xisbiga Kulmiye, islaab xaadhasho uun iyo sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa ayuu daarnaa kulankani, iyadoo dhinac waliba uu leeyahay waajibaadkiisii  gaarka  ahaa xisbiga Waddanina doorkiisii leeyahay hadana sidii arrimaha qaranka looga wada shaqayn lahaa baan ku kulnay.”

Waxaanu intaas ku sii daray “runtii ummaddana fariinta aan u diraynaa waxay tahay si Xisbiga waddani doorashadii go’aankii hore ee uu ka qaatay uu yahay keedii, Xukuumaduna ay iyaduna asluubteedii yeelayso dul qaadkii laga rabayna ay u yeelato doorkaa mucaaradeed, Saxaafadana dulqaad u yeelato mucaaridka dulqaad u yeelato, arrimahaasi oo runtii aanu si wanaagsan isugu afgaranay  qarankan iyo mashaakilaadka taagana aanu iska waraysanay guud ahaan, waana kulankii koobaad wixii arrimo qaran ah in laga wada shaqeeyo waa laga balamay".

20171224636497088503304851muuse.jpg

20171224636497088707852520muuse11.jpg

20171224636497089512760825muuse4.jpg

20171224636497089955921365muuse75.jpg

20171224636497090484557507muuse000.jpg

20171224636497091018819108muusellll.jpg

20171224636497094470667938muuseyy.jpg

Dhinaca kale Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo isna ka hadlay ayaa yidhi "Waxa maanta isu yimi Madaxweynihii Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Madaxweyne ku xigeenka Madaxda Xisbiga Kulmiye iyo Xisbigii WADDANI runtii waa Madaxdii ugu awooda badnaa dalka, sidaa uu sheegay Xuseen Axmed Caydiid, waxaanu ku heshiinay maadaama ay xanaftii Doorashadu inaga dhammaatay, in dantii qaranka laga wada shaqeeyo,  Xisbiyada Mucaaridka iyo muxaafidkuba, hawlo badan baa inoo yaala runtii aan ku eekayn uun doorashadii Madaxtooyada in aan si wada jira uga wada shaqayno runtiina ay mucaaridku noqdaan muraayada aan isku daawanayno oo ah kuwa na toosinaya.”

Mar uu ka hadlayey inay dulqaad u yeelanayaan dhaliilaha uu xisbiyada mucaaradku usoo jeediyaan waxa uu yidhi “ xisbiga mucaaridka mar walba waxa uu yahay muraayada laysku eego ee marwalba tallo iyo tilaam wixii shaqadaasi ka qaloocma toosinaya, waxaan ku heshiinay in si qaranimo oo wax dhisida oo mucaaridad wax dhista ah ay u shaqeeyaan iyaguna oo ay balan qaadeen anaguna aanu dul qaad u yeelano dhaliilaha naloo soo jeedinayo ama toosinta, mucaaridadu maaha dumis inay dadku khalad u fahmaan maaha, waxay qaateen inay dalkii dhisaan oo toosiyaan oo xukuumadii maanta dhisantahay wixii dhaliila ama shaqo ka leexda ay ku toosiyaan annaguna waxaanu balan qaadnay in aanu dul qaad u yeelo toosintooda iyo tilmaantoodaba hawlaha inoo yaalana aan si wada jira uga wada shaqayno mudada dhow, waxanay maanta ahayd kulan kii koobaad wada hadalkii ku furmay”.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee si rasmiya isku soo hor fadhiistaan, waxaanay iska laab xaadheen in wixii xanaf soo kala haadhay iska saamaxaan,isla markaana danta qaranka loo wada shaqeeyo.

 

Hargeysa Online

· abdi on December 24 2017 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>