|
|
CIIDAMADA Bolisku waxay Somaliland u soo jiideen sumcad xumo. DHAQANKANI AY KU KACEEN WAA KII AL-SHABAAB IYO KOOXA XAGJIRKA KU DHAQMI JIREEN.Markii ugu horaysay een dhacdadani arko waxaa ku arkay Videos facebook-ga la galiyay. Video-gani oon ku arkay inamo reer Hargaysa ah, oo tima caadiya lahaa, oo suuqa Boolisku kaga xiirayo. Marka waxaan u qaatay in kooxa Somaliland nacabi ay warkani dacaayada ah Somaliland ka fidinayaan, lakiin waxaa nasiib daro noqotay markii ka war helay in dawladii aan dooranay, een waxa wayn ka filaynin in ay ciyaalka suuqa timaha kaga xiirayso.Shaqda ciidamada Amaanku (Bolisku) waa in ay nabada ilaaliyan. Waan ku tageersanahay in Boolisku kooxa dhalinyarada ee gang-noqday qab qabtan. Lakiin in ay inamada nabad galyada waxba u dhimin in ay timaha suuqa kaga xiiraan, waa dhaqan xumo ay ku kaceen ciidamad nabad galyada Somaliland (Booliska Somaliland). Ficilka noocani ahi waa hawlihii Kooxda xag jirka ah ee al-Shabaab, iyo kooxaha la midka ahi sameeyan. Inamadani haddii nabadgal yada waxba u dhimaynin maxaa lagu haysta?Ciidamada Booliska ee Somaliland waxaa uu u bahan yihiin tababar, waa in aanay qaban shaqo aan iyaga khusayn, shaqadoodu waa ILAALINTA NABADGALYADA, cidii aan nabad galyada waxba u dhimaynin waa in ayna wakhtigoodu ku limin. Waxaan anigu kula talin lahaa xukuumada cusub ee Somaliland in ay tababarto ciidamka booliska, taliyayaasha Booliskana u sheegaan in ayna shaqada Booliska, ama nabad ilaalinta wax ka baxsan aanay qaban karin. Ciidanka Boolisku ma ah ciidka ka shaqeeya dhaqan celinta. Teeda kale, Booliska ama CIIDAMADA NABADGALYADA wasaaradee ayay ka amar qaataan, ooy hoos yimadan? Ma Wasaarada DIINTA iyo AW-QAAFTA? Mise Wasaarada ARIMAHA GUDAHA?Waxaan arkayay Wasiirka Diinta iyo AW-QAAFTA oo arintani ka hadlayay, marka maxaa isaga galiyay arintani?Wasiirka Diintu waxaa uu ka hadlayay in aan Sanadka Cusub, oo uu yidhi “inama khusayo” in aan loo dabal dagin. Wasiirku, Madaxwaynaha dhawaanta magacaabay fariinta uu shacabka u diray kama war hayo miyaa?Wasiirku inta aanu hadlin waxay ahayd inuu Madaxwaynaha waydiiyo halka uu ka tagan yahay Sanadka Cusub? Mana aha in Madaxwaynaha iyo Wasiirka Diinta Iyo Awqaaftu kala hadlan.Wasiirku waxaa uu hadalkiisa ku daray in aanay tariikhda Miladiga ahi inaga ina khusayn.Wasiirka waxaan waydiin lahaa mushaharka aad qaadato tariikhdee ayaad ku qaadata? Aduunka oo dhan ayaa isticmal tariikhdani, xukumada Somaliland calamka isticmala ayuunbay ka midka tahay. Marka ma ah in aynu diin wax kasta ka dhigno, sida kooxaha xag jirka oo kale. Inagu diin teenu waa Muslin ee diin ahaan uma isticmalayno, sanadka cusubna uma dabaal dagno diin ahaan, ee calamka ayaa isticmala ayaynu u isticmaalna, una xusna.Haddaba, Aniga oo ixtiraam wayn u haya Wasiir sheikh Khaliil Cabdillahi Axmed, waxaan odhan lahaa haddii aad dhaqan xumo ka hadlayso ka hadal dhaqan xumada dalka ka jirta, ee ka wayn inan yar timihiisa la baxay iyo sanadka cusub oo loo dabaal dagayo. Al-shabaab ayaa ninka dadka layayna suuqa iska maraa, nin talafoon xadayna labada gacmood ka jara, marka dhaqanka ama cadaalada noocasi ma ah in aynu Somaliland ka hirgalino. Haddaba, haddii dhaqan xumo uu Sheekh Khaliil doonayo inuu ka hadlo. Muxuu uu uga hadli waayay Qaadka ummada iyo dhaqaalaha dalka baabiyay. Muxuu uga hadal wayay musuq maasaqa la xalaashaday. Muxuu uga hadal waayay bangiyada Islamka sheeganaya ee RIBADA xad dhaafka ah qaada. Kuwaasi iyo kuwa kale oo badan oo dhaqan xuma, diin Xumo ah ayaa u baahan inuu ka hadlo.
SOMALILAND HA NOOLATO !!!!!!!!!!!!!!!HAPPY NEW YEAR!!!! SANAD WACAN ILLAHAY HA INOOGA DHIGO, AAMIN!!!!!!!!!!!!!Omar Abdi Yousuf, Oakland, Califonia