| ||
|
War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland.War-saxaafadeed ka soo baxay odayaasha musdambeedka jaaliyadaha reer Somaliland ee deggen, carriga ingiriiska kuna wajahan,danyarta dulman ee dayactirka u baahan,Iyo shacabka Somaliland ee dulqaadka muujiyey iyo qodobbo kale,hawada,xuutiyiinta. Bismillaahi Arramanirraxeem. Dhammaan ummadda reer Somaliland iyo warbaahintooda waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh
Ummad waliba waxaa ay samaystaan maammul ay u simanyihiin oo u ilaaliya dalkooda iyo dadkiisa kana difaaca cadawgooda. Maamulka wanaagsan ama dawlad waxaa lagu gartaa ilaalinta dadkooda jilicsan ee daryeelka uga u baahan haddii uu ka leexdo maammulkaasi caddaaladda iyo simmidda xaqa muwaadiniinta waxaa uu la kulmaa inta badan mucaaridad xooggan oo xagga Allah uga timaadda una diidda joog iyo jiif waajibka ugu badan dawladda wuxuu ka saaranyahay bulshada inta jilicsan ee loo bixiyey barakacayaasha lama arag bulsho dalkooda joogta oo barakac lagu sheego waxaa habboon in xil waafiya la iska saaro bulshada inta aan awoodin in ay maareeyaan nololmaalmeedkooda laguna soo celiyo cashuurta ay ahayd in cashuur dhaaf loo sameeyo Waxaa inta badan dhacda in bulshada aan danyarta ahayn si gaara loo ilaaliyo taasina waa ta keenta in uu bilaabmo buuq joogto ah oo masuulku miciinsado difaaca kursiga kuna dhammaysto xilka dhibaato iyo warawar aan kala go,layhayn. Shacaka Somaliland iyo shacabka yaman. Waxaa ka dhexeeya wada dhalasho ixtiraam iyo walaalnimo soo jireen ah waxaynu ognay sida kalgacalka badnayn ee ay bulshada ama dalka Somaliland albaabka ugu fureen dadkii qaxootiga ahaa reer yamaneed oo aan wax shuruud ah lagu xidhin oo ay si xor ah u deggenyihiin si ahaantaas uma baahna labada shacab in dhibaato ka dhex abuuranto. Hawada dalka Somaliland Somaliland waa dal nabadda jecel una diyaar ah ilaalinta xuduudaha dawladaha la jaarka ah looma baahna in lagu kallifo wax dhaawacaya walaanimada labada dalka ee xuduuhu ka dhexeeyaan waxaa wanaagsan in lagu xaqdhawro. Saxaafadda iyo dawladda Waa laga maarmaan in ay wada shaqayn dhow wada lahaadaan. Waxaanu talo ku soo jeedin lahayn qodobbadan hoose.
Haddii aad doonayso in lagu jeclaado u gargaar danyarta Haddii aad doonayso raaxo dadka jilicsan gacan u fidi. Siyaasi kursi doonaya yaanu gurigaaga iyo dalkaaga dumin. Qabiilkaaga kama ga,aysida qarankaaga qiima u yeel. Muwaadinka dalku idinka dhexeeyo u hiili Alaaha yaa mahad oo dhan leh.
Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.18 seconds
|