Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

CAQABADAHA SOMALILAND HOR YAALA (QABTA IV)

SAMI QAYBSIGA GOLAHA WAKIILADA

SANADKA CUSUB ILLAHAY HA INOOGA DHIGO MID INOO HORSEEDA NABAD, BASH BASH IYO BARWAQO.

Madaxwaynaha Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxuu maalin dhawayd iskugu yeedhay labada Gole (Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada), waxaanu balan qaday in doorasha Golah Wakiilada iyo Golaha Deganka la qaban doono wakhtigii loo cayimay, March 2019. Waxaanu labadan gole ka codsay in ay dhamaystiran xeerarka lagu dooranayay Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka. Xeerka golaha wakiilada ee doorashadii hore lagu galay ayaa jira, xeerkaasi badankiisu waa diyaar, lakiin qodabada qaarkood ayaa dib-u-eegid u bahan. Haddaba, sami qabsiga Golaha Wakiilada waa qodab xasaasi ah ee ay tahay in go’aan laga gaadho.Dimuqradiyadu waxay ku salaysn tahay Hal-Qof Hal-Cod (Ama One-Man One-Vote).  Sida daradeed, waa in diwan galinta cod bixya yaasha la furo mudo laba bilood ah. Si qof kasta oo doonaya inuu isu-diiwan galiyo uu is-diiwan-galiyo, tirada is-diiwan-galinta kama danbaynta ahna loo helo.Diiwan galinta cod bixiya yaashi si fiican ayay uga dhacday degmooyinka Somaliland badan kooda. Shanta degmo ee gobalada bariga ah mooye, kuwsi oo kala ah degmooyinka Xudun iyo Taleex (Gobalka Sool), degmada Badan (Gobalka Sanaga) iyo degmada Buuhoodle (Gobalka Togdheer). Sida daradeedna, way adkanaysa in deganadani laga hirgaliyo tira-koobta wadaniyiinta oo dhamaystiran.Haddaba, afartan jooyse (choices or options), ayay tahay in aynu kala doorano:TIRA-KOOBKA MUWAADINIYIINTA.In dalka oo dhan laga hirgaliyo tira-koobta muwaadiyiinta, si loo ogaado muwadaniyiinta ku nool gobalkasta ama degmo-kasta. Mudanaha Golaha Wakiilada ee matalaya gobalkasta/degmo-kasta lagu saleeyo tira koobtani. DIIWAN GALINTA COD BIXIYA YAASHATira-koobka muwadiniyiinta wakhtigan dalka kama dhici karto. Sida daradeed, waa in diiwaan galinta cod bixiyayaasha la isticmaalo. Tusaale ahaan, haddii dadka is-diiwan galin doona ay noqdaan 900,000 qof, oo isla markana 10 xubnood loo qoondeeyo shanta degmo ee bariga. Marka 72 xubnood ee Golaha Wakiilada loo qaybinayaa 90, 0000; markaa xubinta Golaha Wakiilada waxuu matalayaa 12,000 qof. Tirada iska-diiwan galiyay degmo/gobalkasta marka loo qaybiyo 12,000 ayaa la ogaanaya xubnaha Golaha Wakiilada ee iska sharaxaya degmo/gobalkasta.
SAMI QABSIGII DOORASHADII HORE.In doorashada Golaha Wakiilada lagu galo sami qaybsiga doorashadii hore lagu galay, ama samiga Golaha Wakiiladu ku fadhiyan. Isla markana la sameeyo Gudi/Komishan madax banana oo doorashada ka dib bilaaba tira koobta wadaniyiinta, si doorashada danbe lagu galo diiwan galinta muwadiniinta oo dalka oo dhan ka dhacda. 
MUSHARAXIINTA UGU CODADKA BATA (ELECTING ON BELL CURVE).Waa in musharaxiinta ugu codka bataa ay Golaha Wakiilada ku soo baxaan. Haddaba, haddii 10 xubnood loo qoondeeyo shanta degmo ee bariga. Marka 72 musharax ee ugu codka bata ayaa Golaha Wakiilada ku soo baxaan. Tusaale ahaan, codadka uu ku soo baxayo xubinta Golaha Wakiiladu waxuu noqonayaa inta u dhaxaysa 6000 ilaa 12,000 cod.Waxaan ku soo gaba gabaynayaa, in wakhtiga doorashada Golaha Wakiilada la qabanayay aanu wax badan ka hadhin, danta qaranka Somaliland waxay ku jirtaa in doorasho wakhtigeeda dhaafin. Sida daradeed, sami qabsi dadka badankoodu ku qancaan, iyo doorasho si xor oo xalaala inoogu dhacda waxaa inoo noqonaysa guul aynu dhamanteen gaadhnay. Ictiraaf aynu doonayno way soo dhawaynaysaa.Hirgalinta tira-koobka muwadiniyiintu waxay u bahan tahay in la qabto wakhti ayna doorasho inagu soo food lahayn. Marka, way adagtahay in aynu doorano jooyse-ka (choice) kowada, wayo ma suuro galayso in TIRA-KOOBKA MUWAADINIYIINTA dalka oo dhan laga hirgalino wakhtigan. Sidaa daradeed, waxaa loo bahan yahay in wakhti la siiyo lagu hirgaliyo diiwan galinta muwadiniinta, wakhti ayna doorasho inagu soo food lahayn.Haddaba, inaga oo cadifad qabiil ama mid gobal inagu jirin waa in aynu ka doodno, doorana mida wakhtigan inoo hirgali karta. Arintani labada gole iyo xukuumada oo kaliya uma talo, lakiin waa in ay noqoto mid inaga oo gacmaha is haysana, wax kastna ka horaysiinayna danta qaranka Somaliland go’aan ka gaadhno.
SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!

OMAR A. YOUSUF    OAKLAND, CALIFONIADALAYADA

“DANTA QARANKA SOMALILAND” (SOMALILAND FIRST)WWW.SOMALILANDFIRST.COM

· abdi on January 06 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>