Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland oo maanta lagaga dooday dagaaladii ka dhacay Tuko-Raq.

Shirkii golaha Wasiiradda Somaliland ayaa maanta lagaga dooday xiisadda ka soo cusboonaatay deegaanka Tukko Raq, waxaana laga soo saaray go’aan ah in la ilaaliyo xuduudda,isla markaana aan cidna laga ogolaan inay ku soo xadgudubto taako ka mid ah dhulka Somaliland.


Kalfadhigii saddexaad (3aad) ee ay yeeshaan golaha wasiirada Somaliland oo uu shir-gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi kuna wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa dood-dheer iyo falaqayn ay ka yeesheen xaaladda guud ee dalka iyo arrinta ka soo cusboonaatay Gobolka Sool, gaar ahaan deegaanka Tuka-raq oo Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland lagu eedeeyey inay iyagoo isgarabsanayaa ay ku soo gardaroodeen xadka Somaliland.


Waxaana shirkaasi golaha wasiiradad laga soo saaray go’aanadan:

1. In dawladda Somaliland, siday horeba u sheegtay ay ka go’antahay in ay ilaalinayso xuduudaheeda, ogalaan doonnina in taako ka mida dhulka Somaliland lagu soo xadgudbo.

2. In ay dawladda Somaliland u cadaynayso Wadamada deriska ah iyo Beesha Caalamkaba, inay ka go’an tahay nabad ku wada noolaanshaha iyo ilaalinta xasiloonida mandaqadda.

3. In Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Somaliland ay si buuxda u taageeraan, isla markaana ay is garab taagayaan Ciidanka Qaranka ee tallaabada geesinimada leh ku dhaqaaqay, kuna hawlan sidii uu u sugi lahaa xuduudaha Somaliland.

4. In ay Golaha Wasiiradu si buuxda u bogaadinayaan go’aankii labada gole ee Guurtida iyo Wakiilada ee xaaladda jiida hore.

5. In guddida dhaqaalaha iyo horumarinta ee Golaha Wasiiradu ay soo darsaan, go’aanna ka soo gaadhaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta hay’adaha caalamiga ah, soona qiimeeyaan shaqooyinka ay hayaan ajaaniibtu, ee ay qaban karaan xirfadlayaasha Muwaadiniinta ahi.


6. Ugu danbayn waxa goluhu isku raacay qaab-dhismeedka guddi -hoosaadyada Golaha Wasiiradu uu yeelanayo oo ah sidan.

a. Guddida Nabadgalyada 5 wasaaradood

b. Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarka 9 Wasaaradood

c. Guddida Arrimaha Bulshada 9 Wasaaradood

d. Guddida Arrimaha Dibedda iyo Ictiraaf-raadinta 6 Wasaaradood

e. Guddida Cadaladda iyo Shuruucda dalka 6 Wasaaradood

Iyadoo ay wasaaraddaha qaar ka mid yihiin wax ka badan hal guddi-hoosaad oo kor ku xusan.

Hargeysa Online

 

· abdi on January 11 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired