| ||
|
Warsaxaafadeed kuna tilmaaman waa maxay jeegaan,beelaha ku heshiiyey..Annaga oo u damqanayna dalkayaga kana gubannayna in jiritaankiisa dhibi la soo deristo iyo tafaraaruq aan la mahadin
Haddaba aan iswaydiinno maxay labada beelood magaca ee jeegaanta isu xulufaystay maxay isu garabsadeen yeyse garabka ku riixayaan?su,aashaas jawaabteedu laba beelood oo ka leexaday jidkii toosna oo qardajeex isu doontay Sua,aal kale maxay beelaha kale ee ay isku deeganka yihiin u jidhdiidayaan? Tanna jawaabteedu waa xin iyo xiqdi ilaahay xaarantinnimeeyey. Su,aal kale magaca jeegaantu ma sii jiraysa? Tanna jawaabteedu waa maya oo waxa laga dhaxli karaa burbur dalku galo waxaynu tusaale u qaadan donna keligii taliskii siyaad barre oo dhawr iyo labaatan sannadood ka xulufaystay bulshada reer Somaliland beelaha deggenaa gumaadkana kula kacay xaqoodiina u wareejiyey koonfur ee ilaa haatan la gubanaysa,shacabkii reer Somaliland waa kuwii iska rogay iskana dulqaaday dhibtii uu ku hayey. Somalilandna waxaanu uga baqanayna taas oo kale haddii laga hortegin( horaa loo yidhi belaayo madax la qabto ayey leeday ee dabo la qabto ma laha ) Maxa la gudboon beelaha garabka ku riixaya beelaha walahood ah dalkuna ka dhexeeyo in ay ka raalligeliyaan una sheegaan una dhaartaan in ay ka baxeen halhayska qallafsan ee ku caanbaxay(jeegaan ) ama (qardajeex) in madaxdhaqameedka reer Somaliland kulan yeeshaan arrintaas laysugu laab xaadhaayo waayo dalka haddii loo danaynaayo sidan ayuu khayrku ku jiraa beelna kuma habboona in dalku gacantooda ku burburo u fiirso qabiilka Mareexaan ee wada madaxda ahaa burburka Somaliya iyaga ayaa ku suntan. Qodobban hoose u fiirso.
dulmiga iyo xaqu meel wa wada meel ma wada fadhiistaan xaqa ayaa guusha leh marwalba. ha ilaawin in aad dhimanayso u diyaar noqo malaa,igtu su,aalaha ay ku waydiin doonaan kuma wadin doonaan qabiilkaaga iyo qof aad jeclayd waxaa kaa raaci aduunka camalkaagi intii aad adduunka joogtay ilaahy ayaa mahad leh innaga dhigay mulimiinta wanaagsan
Deeq Cabdi Digale
|
|
|
Render time: 0.18 seconds
|