Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Madaxda Soomaaliya iyo Itoobiya oo Heshiis Gaaray

Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa maanta isla gaaray heshiis ay dowlada Itoobiya ku maalgashaneyso afar dekedood oo ku yaalla Soomaaliya.


Heshiiskan ayaa ka danbeeyay kadib marki uu maanta magaalada Muqdisho booqday Ra’isulwasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Ahmed.

War-murtiyeed ay si wada jir ah magaalada Muqdisho uga soo saareen madaxweynaha Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed Ali, ayay ku heshiyeen qodobo ka koobnaa 16.

Labada hogaamiye ayaa war-murtiyeedkooda ku yiri “Si loo soo jiito loona kasbado maalgelin caalami ah oo ay helaan labada waddan iyo Geeska Africa, ayay hogaamiyaasha ku heshiiyeen in si wadajir ah ay u maalgashadaan afar dekedood oo muhiim ah oo ku yaalla Soomaaliya.”

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in la dhiso wadooyinka muhiimka ah ee isku xira Soomaaliya iyo dhulweynaha Itoobiya. Labada mas’uul ayaa sidoo kale hirgelinta heshiiskan u saaray guddi farsamo oo si dhaqso ah u billaaba dhaqaajinta howshan.

Qodobadda kale ee ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isulwasaaraha Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah in labada waddan uu midkoodba midka kale ixtiraamo madaxbannaanidiisa, sharafta dhulkiisa, iyo xorriyadda dhanka siyaasadda.

Waxaa kale oo ay ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka kooxaha argagaixisada, waxaana ay labada mas,uul si wadajir ah u cambaareeyeen ficil walba oo ku leh leh argagxisannimo.

Abiy Ahmed iyo wafdigiisa ayaa isla maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho. Waa marki ugu horreysay oo uu Muqdisho yimaado Abiy tan iyo marki loo magacaabay xilka Ra’isulwasaaraha.

Waxaa horay Muqdisho u tagay Ra’isulwasaarayaashi isaga ka horreeyay ee Meles Zenawi iyo Heylumariem Disalgne.

 

Hargeysa Online

 

· abdi on June 16 2018 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>