| ||
|
Madaxweyne Biixi oo Badhasaabkii gobolka Sool iyo ku xigeenkiisii xilkii ka qaaday.Madaxweyne Muuse Biixi ayaa maanta sameeyey isku shaandheyn kooban oo xilalkii lagaga qaaday badhasaabkii gobolka Sool, ku xigeenkiisii iyo madbacadii qaranka. Masuuliyiinta xilalka laga qaaday waxay kala yihiin Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Gargaar, gudoomiye ku xigeenka gobolka Sool Maxamuud Axmed Maxamed Shiil, maareeyihii madbacadda qaranka Siciid Saaalx Shire.
“Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad hayseen ee Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka. Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilka qaranka ee kala ah Guddoomiyaha, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sool iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka. Sidoo kale waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha in uu u kala wareejiyo xilalka masuuliyiintan heer Gobol iyo kuwa cusub, sida ugu dhakhsaha badan. “ayaa lagu yidhi qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha.
Xilalka la isku bedelay iyo kuwo cusub ee la magacaabay waxay kala yihiin;
[ 1) In laga bilaabo taariikhda maanta aan mas'uulkan u beddelo xilkan:
Hargeysa Online
|
|
|
Render time: 0.19 seconds
|