Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

DHAQAN SOMALI IYO BEESHA MAREEXAAN.

Taariikhdu ma duugowdo lamana illaaawo, xumaan iyo wanaagba. Qormadan kooban waxaan maanta su’aalo taariikheed ku weydiinaya Beesha Mareexaan, waana wax caadi ah oo yimaada markii ay dadka qaar ku xad-gudbaan wax dad ka dhaxeeya oo ay wadaagaan.

Beesha Mareexaan maxay intooda badan dulmiga iyo kelitalisnimada u taageeraan? Maxay Siyaad Barre oo Somali Kala dilay kuna kala tagtay, galayna dembiyo culus sida: La dagaallanka Diinta Islaamka, ku kala qaybinta Somali qabyaalad foolxun, xadhig iyo silcin, dhac iyo dil, gummaad iyo Burbur aan weli soo marin taariikhda Somalida Beeshu ugu haysataa inuu ahaa halyey iyo geesi Somaliyeed welina u amaantaa? Halyeygu ama geesigu ma waxbuu dhisaa mise waxbuu dumiyaa? Beeshu miyaanay ogeyn in SIYAAD BARRE oo loo amaano ISAAQ ay la mid tahay HITLER oo loo amaano YUHUUDDA?

Maxay Farmajo oo khiyaamo ku qabsaday Somalia ka dib markii ay been noqotay dhammaan ballanqaadyadii uu galay xilligii u ololaynta madaxweynanimada, cadowga Itoobiyana la galay go’aamo khiyaamo qaran oo laga qariyay ummadda Somalia iyo golayaasheeda qaranka haddana u hanqaltaagaya kelitalisnimo kale ugu sacbisaa? Beeshu miyaanay rajo mustaqbal ka qabin Somalia? Beeshu miyaanay iska qaban gefafka iyo dembiyada laga galo aayaha iyo masiirka ummad iyo dal? Beeshu isma dhageysato miyaa waxay taageerayso kagana hadasho Baraha Bulshada maanta? 

Qofka Muslimka ah waxaa xumaanta, beenta iyo dembiyada ka horjoogsada waa Diinta Islaamka, damiirka wadaninimo iyo xishoodka. Somalidu waxay lahaanjirtay xeer iyo dhaqan, gar iyo xeer-beegti, xaal iyo xilo lagaga hortago masiibo ka dhexdhicikarta beelo Somaliyeed, balse maanta waxaa weli lagu faanaa gummaad dad iyo burbur galaaftay MIDNIMO iyo dawladnimo qabiil-nacayb awgeed oo lagu kala tegay laguna kala fogaaday. Haddaba Beeshu maxay u kala fahmiweyday waxa keenikara kala tag huwan cadaawad aan duugoobin oo aan laga heshiinkarin iyo waxyaabaha dhaqan ahaan laga heshiinkaro maalintii ay mindida dawladnimada Somaliyeed daabkeeda haysay?

Kelitaliye Moxamed Siyaad Barre 21 sano waxaa uu dhisayay qabiil ([Daarood] eeg shaxda hoos ku taal), Somalidana waxaa uu ku waaninjiray inay la dagaalamaan qabyaaladda oo uu xataa sheegay in la aasay qabyaaladda dabadeedna inta uu goor habeen ah qabriga kala soo baxay ku maamulay, ku gummaaday kuna burburiyay Somali 21 sano. Daarood waa 20% Somalida haddana Siyaad Barre waxaa uu siiyay 75% dawladnimadii Somaliyeed oo aan in badani xaq u lahayn. Wadanigii ayuu Siyaad Barre qaxooti ka dhigay, qaxootigiina waxaa uu ka dhigay wadani oo xataa waxaa la hawaystay in dadkii dhulka lahaa laga qaado lana dejiyo dad la hayb ah.

Markii ummaddu ka qaylisay kana hortimid dulmiga intaas le’eg ee ku salaysnaa qabyaaladda foosha xun, sida ku cad shaxda hoos ku xusan oo muujinaysa ummadda intii badnayd oo qabiil gumaystay, waxaa uu Kacaan-ku-sheegii Siyaad Barre ugu jawaabay xadhig, dhac, gummaad iyo burburin aan weli so marin taariikhda Somalida taas oo Somali ku kala tagtay. Waxaa ummadda lagu gummaaday laguna burburiyay diyaaradihii, taangiyadii, BMKii iyo madaafiicdii lagu soo iibiyay cashuurtooda si loogu difaaco, waxaana haweenkii, carruurtii iyo birmagaydadii loo cuskaday wax lagu magacaabo “QARAN-DUMIS” si dhiigooda loo xalaashado maadaama ay ka hor yimaadeen “Xukunkii Reer Hebel.”

Anigu qabiil gaar ah oo Somaliyeed ma necbi laakiin waxaan necbahay sida Somali loo khiyaameeyay ee loogu kala dilay qabyaalad iyada oo lagu soo gabbanayo wadanimo been ah. Waxaan ka xumahay in aanay Somali dib dambe isu aaminayn. Haddii aanu Siyaad Barre dalka qabsadeen 1969, Somali ma kala tagteen waxayna noqonlahayd maanta dalalka ugu xoogga weyn Afrika (AYAX TEG EELNA REEB). Siyaad Barre waxaa uu kala dilay Somali oo ku kala tagtay, Farmaajana waxaa uu u muuqdaa nin kala dilaya Hawiye iyo Daarood.

SOMALI CLAN DISTRIBUTION (TIRAKOOBKA SOMALIDA)

The clan is an important social unit, where collective responsibility and clan relationships form the basis for traditional agreements including dispute settlement. Major clans include Hawiye (25% of the population), Isaaq (22%), Darod (20%), Rahanweyn (17%), Dir (7%), Digil (3%), and other ethnic minorities (6%). (Central Intelligence Agency, 2002)” (CCS for WHO and Somalia 2010-2014).

EEG SHAXDAN MUUJINAYASA SIDA LOOGU XAD-GUDBAY TIRAKOOBKA SOMALIDA IYO QABYAALADDA XUKUNKII SIYAAD BARRE:

Ibrahim Hassan Gagale

 



· ifraax on October 03 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>