Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Muslim Pro oo lagu eedeeyey inuu xogta dadka isticmaala ka iibiyey ciidanka Mareykanka.

Dadka Faransiiska ah ee isticmaala app-ka salaadda ee Muslim Pro, ayaa maxkamad la koraya shirkadda maamusha, oo lagu eedeeyey inay iibisay xog u gacan gashay ciidamada Mareykanka, waxaa sidaas sheegay qareenadooda.


Muslim Pro ayaa sheegta inay ku ixran yihiin 95 milyan oo qof oo kala jooga dunida dacalladeeda.

Dad horey u isticmaalay app-kan, ayaa dacwaddan furay kadib markii warbaahinta qaar ay sheegeen inay xogta dadka la wadaagtay shirkado ku xiran ciidamada Mareykanka.

Kiiskan dacwadeed, oo uu shaaca ka qaaday raadiyaha Faransiiska ee RTL, ayaa shirkadda ku eedeeyey gef ka dhan ah ilaalinta xogta, ku xadgudubka aaminaadda, halis gelinta nolosha dadka, iyo shirqoolista dil.

Kiiskan ayaa la filayaa in maxkamad laga diiwaan geliyo maanta oo Talaado ah.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii warbaahinta Mareykanka ee Vice ay toddobaadkii tegay sheegtay in ciidamada Mareykanka ay xogta halka ay joogaan dadka ku xiran ka iibsatay dhowr app oo ka jira meelo kala duwan oo caalamka ah.

Vice ayaa sheegtay in app-yada xogta laga iibsaday uu ku jiro Muslim Pro, oo hela xogta halka uu joogo qofka isticmaalaya, si loogu wargeliyo xilliga Salaadda iyo jihada ay ka jirto Makka.

Shirkaddan ayaa xogta ka iibisay shirkad lagu magacaabo X-Mode, oo kadibna ka iibisaya ciidamada Mareykanka oo ay qanadaraas kula jirto, sida ay sheegtay Vice.

Ciidamada Mareykanka ayaa kadib xogta u adeegsan kara howlgalladooda dibedda, sida ay sheegtay Vice, ayada oo la tuhmayo in loo adeegsan karo dilal ka baxsan sharciga sida duqeymaha drone-ka.

Kadib markii ay warbixintan soo baxday, Muslim Pro ayaa sheegtay inay gebi ahaan joojin doonto inay xogta dadka la wadaago dhammaan shirkadaha.

Shirkaddan oo uu aasay qof Faransiis ah oo fadhigiisu yahay dalka Singapore ayaa sidoo kale sheegtay inay billaabeyso baaritaan gudaheeda ah.

AFP

 

· abdi on November 25 2020 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired