Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka oo xalay dhacday.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, "Ameerika way soo laabatay."


"Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay Aqalka Capitol-ka waxaana ku dhawaaqay xilliga dahabiga ah ee Mareykanka. Laga soo bilaabo wakhtigaas, waxa ka dambeeyay tallaabooyin degdeg ah oo aan la joojin si loo xaqiijiyo xilliga ugu weyn uguna guulaha badan taariikhda dalka," ayuu yiri Trump.

Trump wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay "wax ka qabatay arrimo badan 43 maalmood gudahood ah, taasoo ka badan wixii ay inta badan xukuumadaha ku sameeyeen afar sano ama sideed sano, waana billow kaliya."

Illaa hadda, wuxuu saxiixay 76 amar fulineed, kuwaas oo qaarkood wajahaya loolan maxkamadeed.

Dhowr daqiiqo kadib markii Trump uu bilaabay khudbadiisa, waxaa hareeyey qaylo ka timid xubnaha Aqalka Wakiilada qaarkood ee Dimoqraadiga ah, taasoo keentay in afhayeenka Aqalka Wakiilada, Mike Johnson, uu amar ku bixiyo in laga saaro Al Green, oo ah xildhibaan Dimoqraadi ah oo ka soo jeeda Texas. Trump wuxuu khudbadiisa sii waday kadib markii Green laga saaray hoolka.

Trump wuxuu sidoo kale liiska ku daray dhowr ka mid ah amaradiisa fulineed, oo ay ka mid tahay in uu uga dhawaaqay xaalad degdeg ah xadka koonfureed ee dalka, isagoo u diray ciidanka Mareykanka iyo kuwa xuduudda si ay u joojiyaan duulaanka dalka lagu soo qaaday, sida uu yiri.

Isaga oo ka hadlayey daroogada la soo geliyo Mareykanka, wuxuu yiri, "Mareykanka wuxuu dagaal ku qaadi doonaa kooxaha daroogada ee Mexico."

Sidoo kale, Trump wuxuu sheegay in uu hakad ku sameeyay shaqooyinka federaalka tan iyo markii uu ku laabtay Aqalka Cad, iyo sidoo kale inuu hakad geliyey kaalmada Mareykanka uu siiyo dibedda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, ayaa ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga inay u codeeyaan canshuur dhimista uu qorsheynayo, isaga oo yiri, "Waan hubaa inaad u codeyn doontaan dhimista canshuuraha, sababtoo ah haddii kale, ma rumeysni in dadku marna idiin soo dooran doonaan xafiiska."

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay xubnaha xisbiga Dimoqraadiga, "Aan wada shaqeyno, oo aan dhab ahaantii mar kale ka dhigno America mid weyn."

Trump wuxuu sidoo kale xusay inuu ka baxay Heshiiska Cimilada ee Paris, oo uu ku tilmaamay mid "cadaalad darro ah," Ururka Caafimaadka Adduunka oo uu ugu yeeray "musuqmaasuq," iyo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobay oo uu ku sheegay "kuwa ka soo horjeeda Mareykanka."

· abdi on March 05 2025 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>

Table '.\hargeysa2\fusion251z7_captcha' is marked as crashed and should be repaired