Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Sidee ayey Dimoqraadiyiintu uga jawaabeen khudbaddii Trump?

Sida caadada u ah siyaasadda Mareykanka, xisbiga mucaaradka ah ayaa jeediya khudbad uu uga jawaabo hadal-jeedinta madaxweynaha xilka haya uu ka horjeediyo Koongareeska.


Khudbadda jawaab-celinta xisbiga Dimuqraadiga waxay xalay u xusheen, Elissa Slotkin oo ah senatarrad laga soo doorto gobolka Michigan, isla markaana hadda ku jirta sannadka koowaad ee muddo-xileedkeedii u horreeyay ee Aqalka Senate-ka.

Elissa Slotkin oo in ka badan 10 sano kasoo shaqeysay amniga qaranka, haddana muddo ku siman laba bilood ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Senate-ka ayaa jeedisay khudbad socotay muddo 10 daqiiqo ah.

Dimuqraadiyiinta ayaa u doortay in ay codkooda ku hadasho una jawaabto madaxweyne Trump. Hoggaamiyaha xildhibaannada laga tirada badan yahay ee Dimuqraadiga ee Aqalka Senate-ka, Chuck Schumer, ayaa Slotkin ku ammaanay in ay tahay xiddig u soo baxaya xisbiga mucaaridka ah ee Dimuqraadiga.

Slotkin oo khudbadda ka jeedisay magaalada Wyandotte ee gobolka Michigan, oo ay ku nool yihiin bulsho u badan dabaqadda shaqeysa ee gobolkaasi, ayaa khudbaddeedii jawaabta Dimuqraadiga diiradda ku saartay, tallaabooyinka uu sida dhaqsaha ah uu horay ugu qaaday Trump toddobaadyadii koowaad ee muddo-xileedkiisa labaad, ee kala ah dhinacyada dhaqaalaha, socdaalka iyo siyaasadda arrimaha dibadda.

Slotkin ayaa u sheegtay shacabka Mareykanka in siyaasadaha madaxweynaha ay saameyn ba’an ku yeelan doonaan, qeyb walba oo ka mid ah noloshooda.
Waxay sheegtay in siyaasadda dhaqaalaha madaxweyne Trump aysan caawineyn shacabka Mareykanka, balse ay u daneynayso muwaadiniinta hodanka ah ee Mareykanka.

Mar ay ka hadleysay tacriifta uu maamulka madaxweyne Trump dul dhigay dalalka deriska la ah Mareykanka, iyo sicir-bararka ayay sheegtay, qiimaha quutul-daruuriga ee dukaamada iyo kirada guryaha ay kor u socdaan isla markaana uusan madaxweynaha soo saarin qorshe uu arrintaasi kula tacaalayo.

Tacriifta Canada iyo Mexico la saaray ayay ku sheegtay mid dhaawaceyso shacab weynaha Mareykanka, isla markaana sare u qaadeyso qiimaha tamarta, billaabeysana dagaal dhanka ganacsiga ah oo ugu dambeyntii dhaawici kara warshadaha iyo beeraleyda Mareykanka.

Slotkin ayaa sidoo kale hadallo kulul u jeedisay bilyaneerka hoggaaminaya Waaxda Tayeynta Hay’adaha Dowladda Federaalka Elon Musk.

Waxay tiri "Ma jiraa qof Mareykanka jooga oo ku qanacsan Musk iyo kooxda la shaqeyso oo ay ku sheegtay labaatan jirro isticmaalaya kombuyuutarkooda si ay u helaan canshuur celinta, macluumaadka caafimaadka iyo xisaabaadka bangiyada muwaadiniinta Mareykanka."

"Waxaan u baahannahay dowlad hufan," ayay sii raacisay.

Senator Slotkin, oo ah 48 jir horay ula soo shaqeysay hay’adda CIA-da, ayaa khudbaddeeda ku soo gabagabeysay baaq ay u dirtay shacabka Mareykanka.
Iyada oo ku boorrisay in shacabku ay la xisaabtamaan madaxda iyo mudanayaasha ay soo doorteen oo ay iyadu ku jirto, in ay aadaan xarumaha siyaasadda oo ay dalbadaan in kuwa ay soo doorteen ay tallaabo qaadaan.

· abdi on March 05 2025 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>