Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Jaamacadda Carabta oo taageertay qorshaha Masar ee dib u dhiska Gaza

Hoggaamiyayaasha waddamada Jaamacadda Carabta ayaa Talaadadii shalay isla qaatay qorshaha dib u dhiska Gaza ee ay Masar soo jeedisay kaas oo ay ku kacayso qarash gaaraya 53 bilyan oo doolarka Mareykanka ah.


Qorshaha Masar ayaa ahaa mid lagaga fogaanayo in Falastiiniyiinta laga barakiciyo dhulka go’doonsan Marinka Gaza taasoo ka hor imaaneysa qorshihii uu bishii Janaayo soo jeediyay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

Trump ayaa qorshihiisa ku sheegay in Mareykanka uu la wareegayo Gaza si wanaagsan uu dhisi doono falastiiniyiinta ku noolna dib u dejin loogu sameyn doono wadamada Masar iyo Urdun.

Madaxweynaha Masar Cabdilfataax Al Sisi ayaa xiritaankii shir-madaxeedka Carabta oo shalay ka dhacay Qaahira ka sheegay in soo jeedinta la aqbalay
Kulanka oo ay martigelisay Masar ayaa waxaa madaxdii ka qeyb gashay ka mid ahaa amiirka Qatar madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka Carabta iyo wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga.

Qorshaha Masar ee ka soo horjeeda qorshaha Trump ayaa ku baaqaya in dadka deggan Gaza ay ku nagaadaan gudaha dhulkooda gaar ahaan toddobo goobood oo gaar ah oo looga dhisayo guryo ku meel gaar ah.

Inta ay halkaasi ku noolyihiin ayaa qorshahan uu soo jeedinayaa in Gaza laga sifeeyo burburka miinooyinka iyo waxyaabaha qarxa ee haraadiga dagaalka.

Masar iyo dalal kale oo badan oo Carabeed ayaa horey uga soo horjeestay qorshaha Trump ee dib u dhiska Gaza oo laga dhigo meel loo tamashle tago Bariga Dhexe.

Intii uu socday kulanka ayaa madaxweynaha Masar Sisi waxa uu uga mahadceliyay Trump dadaalka uu ugu jiray dib u dhiska Gaza isaga oo intaa ku daray in qorshaha Masar ee la soo jeediyay uu sidoo kale dhigayo in guddi ku meel gaar ah oo ka kooban aqoonyahanno iyo farsamayaqaano ay sii maamulaan Gaza iyadoo la tababarayo boolis cusub oo Falastiiniyiin ah.

Waxaa kaloo qorshuhu dhigayaa in deeq bixiyeyaasha shir ku aaddan dib u dhiska Gaza loo qabto shirkaas ayuu Sisi sheegay inuu Masar ka dhici doono bisha soo socota.

Ururka Xamaas oo Maraykanku u aqoonsaday argagixiso ayaa soo dhaweeyay hindisahan balse Israel ayaa dhaleeceysay.

Wasaaradda arrimaha dibadda Israa’iil ayaa sheegtay in soo jeedinta shir madaxeedka Carabta ay ku guuldarreysteen in ay wax ka qabtaan xaqiiqada dhabta ah ee ka dhalatay weerarkii Xamaas ee toddobadii October 2023 kii kaas oo dhaliyey dagaalka.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israel ayaa lagu yiri weerarkii argagixiso ee Xamaas kaas oo sababay dhimashada kumanaan Israa’iil ah iyo boqolaal afduub lama sheegin sidoo kale ma jiro wax cambaareyn ah oo loo jeedinayo ururkan argagixisada ah ee dilaaga ah.

Hoggaamiyaha Falastiin Maxamuud Cabbaas ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo fikirka Masar wuxuuna ku booriyay Trump inuu taageero qorshahan sababtoo ah kuma lug lahaan doono barakicinta Falastiiniyiinta ayuu yiri Maxamuud Cabbaas.

· abdi on March 05 2025 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>