Username Password | Lost password
Ogeysiis
Hargeysa Online Waxaad ka daawataa Videos Dooda ah iyo kuwa Aqooneed goor kaste iyo Markaste Fadlan hadii aad heyso wax talo iyo Tusaale ah inooga soo dir Email  [email protected]
Coming Soon

Ruwaayado Xasuus Mudan.

Xaaskayga Araweelo.

323925-my-wife-araweelo-0-230-0-345-crop.jpg

  Rajo

rajo2ol2.jpg

fadfdas.jpg

x_cxczc.jpg

sdgtw.jpg

kbkggg.jpg

xayasiis
Welcome Hargeysa Online 24Hrs News Updates....

Farmaajo oo yidhi Xabadda ha la joojiyo, dalka xoog laguma haysan karo

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho isla markaana dib loogu laabto wada-hadal siyaasadeed si xal loogu helo khilaafka taagan.


Khudbad uu shacabka Soomaaliyeed kula hadlay Farmaajo ayaa ku sheegay in xaaladda dalka ay gashay marxalad adag, isagoo xusay in dagaallada ka dhacay caasimadda ay sababeen dhimasho, dhaawac iyo barakac ballaaran.

Farmaajo ayaa sheegay in muddo dheer laga digayay in xaaladdu halkaas gaarto, isagoo ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu qaaday tallaabooyin horseeday xiisadaha iyo iska horimaadyada hadda ka socda Muqdisho.

Madaxweynihii hore ayaa si gaar ah uga hadlay weerarkii lagu qaaday hoyga Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, isagoo sheegay in goobtaas ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin, odayaal dhaqameed iyo xubno kale oo ku howlanaa dadaallo lagu raadinayay xal siyaasadeed.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka ku nool deegaannada ay colaadaha saameeyeen ay la kulmeen cabsi iyo barakac, isagoo tacsi u diray qoysaska dadka ku dhintay dagaallada, una duceeyay dhaawacyada iyo dadka ka barakacay guryahooda.

Farmaajo ayaa difaacay muddadii uu xilka hayay, isagoo sheegay inuusan hal sano ku darsan muddo xileedkiisii, balse ay jireen heshiisyo siyaasadeed iyo dadaallo lagu gaari lahaa doorasho heshiis lagu yahay.

Wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud inuu iska dhego tiray baaqyo iyo waanooyin badan oo ku saabsanaa dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo baahida loo qabo wadatashi siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in xal waara lagu gaari karo oo keliya wada-hadal iyo is-afgarad, isagoo ugu baaqay dhammaan dhinacyada inay dib ugu soo laabtaan miiska wada-hadalka si looga hortago sii socoshada colaadaha.

Dhanka kale, Farmaajo ayaa farriin u diray Ciidamada Qalabka Sida, isagoo ugu baaqay inay ilaaliyaan waajibaadkooda qaran islamarkaana aysan qayb ka noqon khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Wuxuu ku adkeeyay ciidamada in loo tababaray difaaca dalka iyo shacabka, ayna tahay inay ka fogaadaan tallaabo kasta oo horseedi karta in loo adeegsado loollan siyaasadeed ama iska horimaadyo ka dhan ah shacabka iyo madaxda siyaasadeed.

Gabagabadii, Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay muujiyaan samir iyo adkaysi, isagoo sheegay inuu rajo ka qabo in dalka uu ka gudbi doono marxaladdan adag isla markaana la heli doono isbeddel iyo hannaan dowladeed oo xasilloon.

 

· xaaji on June 04 2026 · Print

listen_live.jpg

Wareysi Gaar ah Yaasiin dhagacade oo ka baxay Kulmiye kuna biirey Wadani.

engkamaa554l.jpg

Somali Stock Market iyo arimo sir ah oo aad isticmaali doonto.

engkamaal2222wwww.jpg

Been abuurka Social mediaha iyo arimo kale.

engkamaal22.jpg

Doorashada Golaha Wakiilada Somaliland -Wareysi Garyaqaan ( Abdilaahi nur Hassan)

abdilaahiwkw.jpg

Dacwadaha Dhulka laysku qabsado ee Somaliland ( by Garyaqaan Abdilaahi Hassan)

dacwadadhulka.jpg

Trump 2nd Impeachment.

engkamaal_3.jpg

Dood Ku saabsan Doorashada Waranka Mareykanka iyo Trump oo guuldareystay.

engkamaal_4.jpg

Wareysi Gaar Ah aanu ka qaadnay Wakiilka Somaliland u jooga Wadanka Mareykanka

bbxcbxcbxb.jpg

Warbixin ku saabsan Duuliye Fuaad yusuf ali iyo arimokale.

engkamaal_mohamed2020.jpg

 

Fanaaniinta Minneapolis iyo 18 may.

fanaaniinminnesota.jpg

Serverada Hargeysa Online uu Ruushku u soo dhacey.

engkamaalhosting1.jpg

 

 

More Programs>>>>