|
Mujtamaca dhexdiisa ayaad had iyo goor arkeysaa iyada oo doodi ka dhex
jirto. Doodaasi inta badan waxa ay ku dhamaataa "inagu kala dara" oo kooxiba ay dhinac dooda ka mida taageersantahay. Marka ad u sii fiirsato sida loo kala taageersanyahay dooda, waxa kuu soo baxaya laba arimood oo kala ah ama sida xisbiyada siyaasadda loo kala taageersanyahay ayaa doodana la isku baheysanayaa ama si ciriq qabiil ku jiro ayaa la isku xulafeysanayaa. Waxa ad isweydiineysaa, side dadkan doodaya oo aan midkoodna doqon aheyn ama aan waalneyn haddana ay markasta aragtidoodu u kala fogtahay oo masalan midna waxa laga doodayo u odhanayaa waa wax fiican, midna uu leeyahay waa wax qaldan. Ka sakow u debecsanaanta qabiilka iyo xulafeysiga siyaasadeed, waxa had iyo goor muranka sii badiya oo sii huriya laba arimood oo kala ah: (1) inaga oo inta badan aan laheyn qiyaas an isla ogolnahay oo meel inoo taala oo waxqabadka lagu qiyaasto oo heshiis lagu sii yahay. Haddii aaney jirin qiyaas cad oo shegeysa waxa masalan qofka mas'uulka ah iyo shaqadiisa lagu qiimeynayo, wey adkaaneysaa in qiimeyn sax ah laga sameeyo. (2) Inaga oo aan inta badan is dhageysan marka an doodeyno oo dhinac kastaaba mashquul uun ku noqdo sidii uu u adkeyn lahaa doodiisa. Taasoo meeshaba ka saarta inu qofku dhuuxo arimaha qofka kale ku doodayo oo laga yaabo inu qaarkood kaba garaabi lahaa oo ay labada dhinac isu soo dhaweyn laheyd. 1. QIYAAS LA'AANTA WAXQABADKA Badhtamihii sagaashankii ayaa dhalinyaro an la fadhiyey ka doodayeen mas'uul Hargeisa joogey oo qolo ku doodeysey waxba muu qaban iyaga oo soo tiriyey arimo badan oo ay filayeen inu wax ka qabto oo wada dayacan oo mid walbaa ay si cad u muuqato dhibaatada ka taagan. Dhinicii kale ee ninkaa madaxda ah taageersanaa ayaa iyana ku doodaya inu ninkan mas'uulka ihi aanu jirin qof ka wanaagsan. Midkood ayaa wuxu raaciyey "waar miyaad ogtihiin ninkan inta masaakiin ah ee uu wax siiyo, inta agoon ku daba nool, inta dad akhyaar ah oo cadilan uu kirada ka bixiyo, inta dumar garoobbo ah oo caruur heysta uu wax u tuur". Wuxu yidhi, "ninkani waa weli Ilaahey ee afka ka jeediya". Midbaa u jawaabey oo yidhi waxan ad tirineysaa shaqadiisii maahee, waa inu ninkani umadda iyo dalka wax u qabtaa oo waxan oo adeeg ah ee dayacan ka hawlgalaa. Kii kalaa u jawaabey oo yidhi, adigu haddaad dheregtey, adeer dadka in badan oo qatan ayaa ninkan ku daba nool ee mashaariicdan ad sheegeyso meel kale u doono. Ninka madaxda ah ee laga hadlayo iyo arimahan laga hadlayo aad ayaan anigu markaa uula socdaa, labada dhinacbana doodooodu waa sax oo arimaha ay sheegayaan wey jiraan. Waxa meesha ka maqan, qiyaas laga mideysan yahay oo lagu qiimeeyo wax qabadka qofka ama hey'adda oo la isla ogolyahay. Marka ay taasi maqantahay, qof walbaa sidii ay isaga la tahay ayuu wax u qiimeynayaa. Ka warran haddii ay jiri lahey hadaf cad oo loo dhigey qofkaa madaxda ah iyo hay'addiisa oo dakuna wada ogyahay oo masalan lagu yidhi: 5 sanadood gudahood, waa in mujtamaca magaaladda ku nool 80% ay heystaan biyo nadiif ah oo qasabad laga cabbo; ama la odhan lahaa, sanadku marku intaa yahay waa in caruurta dalka ku nool ee da'doodu u dhexeyso 6 jir illaa 14 jir ay 70% iskuulo ku jiraan oo tacliin helaan; amaba la odhan lahaa sannadka 2017 ka waa in 100 kiiloomitir oo waddooyin laami ah oo laba haad ah oo leydhadh leh ay ka dhisanyihiin magaalada Hargeisa. Ama la odhan lahaa muddo 5 sanadood ah ama waa inu keena aqoonsi ama barnaamij iyo itijaah cusub oo looga wareego. Waxan qabaa inu muranku aad u yaraan lahaa haddii madaxda dalka iyo heyadahooda loo sameyn lahaa hadaf iyo wax lagu qiyaaso wax qabadkooda oo umaddu wada ogtahay. Waxay taasi keeni laheyd in si macquul ah wax loo qiimeeyo, oo qofkii wax qabad wanaagsan lagu amaanno xil intaa ka sii weynna lagua aamino, kii gaabiyana lagu dardar geliyo amaba laga wareejiyo hawsha. Muddo dhowr asbuuc laga joogo ayaan arkey dood socota oo dad an qaarkood garanayaa ay leeyihiin wakaaladda biyaha Hargeisa wey ka soo bixi weydey hawsheedii oo magaalada inteedii badneyd baa biyo la'. Waxa an nimankii weydiiyey, wakaaladda mas'uuliyadda loo igmadey miyey ku jirtaa in mujtamac magaalad ku nool oo dhan ay gaadhsiiso biyo la cabbo?. Intayaduba midkaayana ma oga in arintaa nay wakaalddu mas'uul ka tahay iyo in kale. Maadaama aaney jirin wax noo qeexaya mas'uuliyaddii, doodii inagu kala dara uunbey ku dhamaatey. Waxan qabaa maalinta xilka loo dhiibayo maareeye cusub, haddii loo qeexo oo lagu yidha: madaxweynuhu xilkaa uu kuu igmadey saddexda qodob ee uugu muhiimsan ee lagaa sugayo waxa ka kow ah in umadda magaalada ku noo ad gaadhsiiso biyo nadiif ah oo la cabbo, waxa an qabaa inu mas'uulkaasi ama hawshaa ka soo bixi lahaa ama uu odhan lahaa anigu makaro ee cid kale halloo dhiibo. iminkadan oo an maqaalka qorayo ma garanayo qofka mas'uulka ka ah in mujtamaca Hargeisa ku nooli ay biyo la cabbo heelaan, oo so cad loo odhan karo in magaaladu biyo ku filan hesho hebel ama heblaayo ayaa ka mas'uul ah. inta aaney taasi jrinna ama wey jirtaayee aan ci cad dadka loogu wada sheeginna, muddo biyaha weynu ka sii murmi. 2. FAA'IIDADA IS DHEGEYSIGA Iyaadoo rag badan meel fadhiyaan ayuu soo galey nin siyasi ah oo dalka magacweyn ku lahaa. Markii cabbaar la sheekeystey ayaa hadalkii ay isku khilaafeen ninkii siyaasiga ahaa iyo Alla ha u Naxariistee nin odey ah oo meesha fadhiyey oo la odhan jirey Mohamed Abdi Dhoore. Ninkii siyaasiga ahaa ayaa yidhi, waddanka waxba ka hagaagi mayaan inta odayaashiinaasi ad dawladda indha la'aanta ku taagereysaan ee kolba woxoogaaga la idiin tuurayo, waayo odayaashu waxa ay dawladda ku taageersanyihiin in hantidii dalka wax loogu qaban lahaa laaluush lagu bixiyo dalkiina dayacnaado. Mohamed Abdi Dhoore (AHUN) ayaa u jawaabey oo yidhi, adna waxa an kuu sheegney inaadan xil qabaneyn inta ad ku doodeyso in dadku gaajo u bakhtiyaan oo aan cidna wax la siin. Mohamed Abdi Dhoore (AHUN) ayaa ku yidhi, in yar i dhegeyso. Anoo nin yar ah Ayaan ciidamada ku biirey, waxa an ka soo qeyb galey dagaalkii xabashida iyo Soomaalida, dajadeyda oo intaa ah Ayaan iskaga tegey oo an Sucuudiga u shaqo tegey. Markii an sucuudiga joogey waxan ahaa odayaashii qaadhaanka soo gurayey ee lahaa waar dalkii haloo kaco oo halla xoreeyo. Ka bacdi waxan tegey itoobiya oo waxa an ka mid ahaa odayaashii reeraha ee ee jabhadda xoolaha u soo gurayey ee dhalinyartana abaabulayey eek a kacaay lahaa. Markii dalka la soo galey waxan ahaa odayaashii nabadda ka shaqeynayey ee wax ka abaabuley shirkii Burco iyo kii Boorama. Imink oo dawlad an noqoneyna waxan ka mid ahey odayaasha guurtida ah ee intaa umadda kala qaboojinaya ee wanagga wada. Mohamed Abdi Dhoore wuxu sii raaciyey, Dawladdii Adan Cadde aniga oo xaq ku leh ayay igala kacdey, Tii Cabdirisaaqna aniga oo xaqii ku leh ayay iagala kacdey, Siyaad barre aniga oo xaqii ku leh ayaa la ridey. Teenan maanta jirtaan wax ma heyso. Waxan ahey nin dhowr iyo konton sanadood dalka u soo shaqeeyey. Iminka odey Ayaan ahey, caruurtiina iima shaqeyso. Xaqii an intaa soo shaqeynayeyna cid an maanta u raaco ma jirto, annaa xoog an iminka kuuli ku noqdaa igumuu hadhin oo todobaatankii Ayaan kor u dhaafey. Haddaanaan Ina Cigaal iska ag joogin oonu marmar wax noo tuurin, ma akhtiyaad na leedahay, waadigan kolba gidaar la taagan odayaasha wax la siinayaaye. Intayadan doodad dhageysaneysaa illa dhowr iyo toban ayaannu nahay haddaanaan labaatan gaadhin. Labada nine e doodayaa waa aftahanno oo markaa kolba kii hadalka ku danbeeya ayaanu la mirqaansannahay. Ninkii siyaasiga ahaabaa hadalkii odeyga dhan uu u dhaafo garan waayey. Maaksuu yidhi: runtii anigu marna kumaan doodin odayaal intaasoo halgan ah soo marey oo dalka inta wax u soo qabtey hala qadiyo ama yaan waxba la tarin. Balse waxa ay fiicnaan laheyd in si sharci ah wax la idiin taro oo dawladdu mushahar rasmi ah idin siiso. Waayo sidan iminka wax la idiin siinayaa waxa ay u eegtahay hab laaluush, oo ta idinka la din siinayo ka sakowm waxa la baneystey in lacagtii umadda kloba ciddii xilka heysaa ay sidi ay doonto u isticmaasho. Odeygii ayaa u jawaaboo yidhi, adigu haddii ad madax ahaan laheyd maxaad ka yeeli lahey. Ninkii siyaasiga ahaa ayaa u jawaabey oo yidhi mushahar "Pension" ah ayaan idiin qori lahaa guri dawladeedna hadba sidii loo helo ayaan idiin siin lahaa, oo waxan sida sharci darada ah la idin ku siinayo ayaan ka dhigi lahaa sharci. Ogeygii ayaa weydiiyoo yidhi, makaa dhabbbaa arinkaasi iyo waa iga dhab. Markaasuu yidhi haddii ad sida ku doodi laheyd anagu adigaaban doorashad ku siin laheyn oo intan yare e anu ku xiiqeyno ayaaban si sharci ah oo aan werwer laheyn ku heli laheyn. Labadii nin ee kala fogaa waxa ay iskugu yimaadeen is faham, waxaana is fahamka fududeeyey is dhegeysiga oo sahley in la isu garabo. Bile - Aqoonta U Adeegta Nolosha [email protected] |