ICTIRAAF Raadinta Qeybtii 3
Posted by ifraax on July 02 2014 02:11:58
ICTIRAAF – Raadinta Wax aan la Garaneyn - Qeybtii 3Marka aan Wax Hagaa Jirin, Siyaasi Kastaa Sidii ay uula eekeyd ayuu uFasirtey SiyaasaddaShirkii Burco lagu Qabtey 1991 ee lagu go’aamiyey in Soomaaliland ayla soo noqotey madax banaanideeda, waxa lagu doortey dawlad uu madaxka ahaa Abdiraxmaan Axmed Cali “Tuur” (AHUN). Dawladdaa waxa la siiyeylaba waajib oo kala ahaa in muddo 2 sanadood gudahood ah ay ku qabatodoorashooyin xor ah iyo iney 2 sanadood gudahood ku keento ictiraaf.Labadaa waajib ee la siiyey dawladaasi wax tafaasiil ah lagama bixin,lamana sameyn qorshe cado o muujinaya sidii labadaa arin lagu gaadhilahaa. Duruufuhuba kumey simin oo waxa ay aheyd wakhti dalkubamarxalad adag marayey oo dawladda jirtey aaney heysan dhaqaale iyowixii kale ee u sahli lahaa iney labadaa waajib ka soo baxdo. Taasiwaxa ay keentey in qof walbaa ictiraafka u sharaxdo sidii ay isaga laaheyd maadama aanu jirin qeexid cad yo waajib la sameystey oo sheegayahalka laga raadinayo taasina waxa ay keentey in siyaasi kastaa sida ayisaga la tahay uun u safirto oo uu ku dhaqmo.Bilowgii 1991 ayaa waxa muqdisho yimi wafdi uu hoggaaminayo CismanJaamac Cali (Cisman Kaluun) oo ay ka mid ahaayeen Xusen Cali Xirsi.Cismaan markaa waxa uu ka tirsanaa golihii dhexe ee SNM isla markaanaahaa siyaasi miisaan cuclus oo ka soo jeeda Somaliland oo sheegey inwafdigiisa uu soo direy madaxweunuhu. Wafdigii Cisman waxa ay lakulmeen dad aad u tiro badano o iskugu soo baxey xarunta xisbigaHantiwadaagga ee magaalada burco oo markaa ay ku sugnaayeen baabuuraad u tiro badano o raran oo ah dadkii reer Soomaaliland ee Muqdishoku noolaa oo u soo ambabaxaya woqooyi. Cismaan oo dadkaa khudbad ujeediyey ayaa u sheegey in umadda Soomaalidu aaney kala guurin dalkunaaanu kala go’ayn, sidaa darteedna baaburta rarka laga dhigo.Badhtamihii 1991 waxa magaalada Muqdisho yimi wafdi ballaadhan oo uuhogaaminayey Salebaan Mohamoud Aden (Saleban Nuur) oo markaa wasiir kaahaa Somaliland. Wafdiga waxa ka mid ahaa Abdirahman Aw Cali oo wasiirahaa, Ismaaciil Buubaa, Aden Cabdi iyo rag kale. Wafdiga oo si heersare ah loogu soo dhaweeyey Muqdisho ayaa kulamo la yeeshey madaxdiiUSC gaar ahaan General Ceydiid. Saleebaan waxa uu si cad u qeexaysaxaafaddana u sheegay in labada umadood ee Somaliland iyo Somalia ayyihiin walaalo oo loo bahaanyahay in la iskaashado balse arrinta gooniisu taaga Somaliland aan laga wada hadli Karin lagana gorgortamiKarin. Saleebaan iyo wafdigiisu waxa ay markaa ku soo degeen HotelGuled oo ku yaalla Muqdisho waxaana soo siyaaran jirey dad badan ooehel, tol iyo siyaasiyiinba leh. Habeen habeenada ka mida ayaa nimanodayaal ihi booqasho ugu tegeen wafdiga waxa aaney la casheeyeenwasiiro ka mida ahaa wasiiradii uugu cuslaa ee wafdiga la socdey.Odayaashii markii ay ka soo noqdeen cashadii ayaan waxa ay ka warameenin qaar ka mid wasiiradii ay la casheeyeen ay ku yidhaahdeen waardadkan guryahoodii xamar ku yaalley xaraashaya la taliya oo waxa adtidhaahdaan guryihiina ha iska iibinina meeshan waa la wada hadlayaawaana la isku soo noqonayaa.Isla sanadkaa waxa wafdi kexeystey wasiirkii arimaha dibedda eexiligaa, Sheekh Yuusuf Sheekh Cali Sheekh Madar oo socdaal ku soomarey wadamo Yurub iyo mareykan iyo Kanada ah. Wafdia oo aad loogu soodhaweeyey qurbaha ayaa jaaliyadihii ay booqdeen uuga xog warameyxaaladdu dalku ku jirey iyo sida loogu baahanyahay in qurba joogu kaqeyb qaato dib u dhiska dalka, taasi oo aheyd hadal aad dadku ujecleysteen. Balse, waftigu muu wadan wax qorshe ah oo dawladahaa aybooqanayaan kaga dhaadhicinayaan qadiyadda Soomaaliland, maney wadansiyaasad cad oo ku waajahan ictiraaf oo aan aheyn anagu koonfur waanuka go’ney, waxaanan nahay dawlad madax banana. Markii uu ku soolaabtey Hargeisa ayaa isaga oo ka soo degey garooonka diyaaradahaHargeisa ay warbaahintii xiligaa jirtey weydiisey Sheekh Yuusf (AHUN),ictiraafkii ma sidaa? Wuxu uugu jawabey, anigu ictiraaf ma wado balsemagicii Soomaaliland waxa an soo geliyey coombuyuutaradii dunida.Dadkan ictiraafka isweydiinaya mid ma sheegayo waxan la isweydiinayaawaxa uu yahay.Badhtimihii sagaashanaadkii ayaa wasiirka ka socda Sooomaaliland yimimagaalada London. Waxa uu u socdey dano shakhsi iyo dabcan kulano uula yeeshey jaaliyaddii reer Soomaaliland ee London degeneyd. Iskumaalmo ayaan wasiirka ka soo wada anba baxney London oo an Hargeisawada nimid. Waxa an war heley wasiir oo ka hadlaya inu safarkiisiisuahaa sidii wadankan ictiraaf loogu raadin lahaa. Waa dhab oo kulanadiiuu la yeeshey jaaliyadda London joogtey niyad dhis iyo dhiirigelinayay u aheyd. Balse wax ictiraaf ku saabsan kamoo hawl gelin.Sidoo kale, dhamaadkii sagaashamaadkii ayaa anoo Hargeisa ka tegey oofasax ku jooga London ayaan la kulmey Mujaahid Omar Dixood oo dalkiika soo laabtey Hargeisa. Wuxu sitaa warqad uu yidhi waxa ii soo qoreymadaxweynaha waxaana la ii soo magacaabey inaan wakiil ka aheyraadinta ictiraafka. Waxan ku idhi halkeed ictiraafka ka raadineysaa,meeshu yaalo miyaad ogtahay, mise madaxweynuhu ma kuu soo sheegey.Hadal wanaagsan ayuu iigu jawaabey oo ah inu isku taxalujin doonosidii uu qadiyadda Soomaaliland uuga dhaadhicin lahaa madaxda iyodadka kale ee dalka ingiriiska degen. Waan aqaaney oo Omar Dixood oonin mitid ah oo halganku dalka lagu xoreeyey iyo kii dib loogudhisayeyba ka soo qaatey qeyb libaax. Balse ka soo direy ee yidhiictiraafka raadi iyo isagu toona mey sheegin waxa la raadinayaa waxaauu yahay iyo halka laga raadinayo1991 iyo wixii ka danbeeyey waxa wadanka iman jirey wafdiyo is dabajoog ah oo u badan qaar jimciyadda quruumaha ka dhexeysa ka socda ooxog raadis ah, qaar samo fal ah iyo qaar shaqaale gargaaar ahba. Sahqobadan wadanka kamey socon oo wafdiga yimaadaba waxa toos loo geynjirey madaxtooyada oo ay la kulmi jireen madaxweynaha iyo wasiiro.Waxa kale oo ay la kulmi jireen odayaal guurtida ah oo kala hadlijirey arimo badan oo uu ka mid yahay ictiraafku.Mar kasta oo uu wafti yimaado waxa madaxtooyada horteeda isasoo tumijirey dadweyne caruur iyo dumar u badan oo ay horkacayaan dhalinyaroan ka sii xusuusto Cali Qoryooley oo caleemo lulaya oo leh “NoMuqdisho” iyo waa in lana ictiraafaa. Waftiyadaa intooda badanisiyaasadba uuma socdaan ee waa dad ka shaqeeya samafal oodarajadooduba sidaa uuma sareyso. Balse dhinaca Soomaaliland xaalkuwuxu ahaa cidii timaadaba waa in ictiraaf la weydiiyo.Siyaasiga Soomaaliland u dhashey hal shey ayuu xariif ku ahaaweligiiba maantana ku yahay oo ad moodaa in buug looga wada naqiley.Indhaha dadka ayuu sidaa u eegaa, hadalkoodana uu dhageystaa. Halkaauu arko in dadku eegayo ee uu dadku niyadda ku hayo ayuunbuu isnafarta uugu fiiqa. Kamaba qasna oo iskuma dhibayo inu la yimaaddobarnaamij aqoon iyo odoros mustaqbal ku dhisan. 1991 iyo maanta oolaga joogo 23 sanadood, dadweynuhu siyaasiga ictiraaf ayayweydiinayaan iyaga oo aan si fiican u garaneyn waxan ay weydiinayaa.Siyaasiga isag oo aan meel ku ogeyn ayuu odhanayaa haddii an iskuduubnaano oo an midnimo muujino, khasab ictiraafku isaga oo socda ayuualbaabka inooga soo galay.Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha[email protected]