gabaygii xaaluf w/c maxamed yaasiin maxamed ilkacase.
Posted by ifraax on June 14 2015 19:31:52
had iyo jeeraale dadku markay wada galaan arimo ganacse waxaa khasab ah in ay is qabsadaan marka mudo dabadeed ay wax ka si noqdaan(khasaaraan) taasoo colaad iyo garnaqsi u soo siyaadisa arimahaasna waxaa sabab u ah wax kala qorasho la'aanta,taa mid la mida xasan waxaanu soo wada marnay wada shaqayn adag balse ku soo afbeeshay khasaare aan waxba noo kala hadhin oo aanu badheedh uga wada soconay laakiin nasiib daro uu aniga igu soo koobay balse igu gar waayey markaasaan gabaygan aan curiyey waana kan
- xaraf gabay xujiyo maanso dheer xulasho suugaan ah
- La xiiseeyo hawraar xurmo leh heelo xarakaysan
- Tu xariira duluc loo xubiyo oo cuf iyo xoog leh
- Waxaan gabay xirfadihiis aqiin amase xeerkiisa
- Sooyaalba waataanana xigan gu' iyo xaabxaabe
- Sidii xeego waataan ridada xawli gaabsadaye
- Caawaanse sida xiinfiniin soo xawilayaaye
- Xubin dhaha murtida tii leh waa lagu xurmeeyaaye
- marka ay xaraar noqoto ee xaajo murugowdo
- Xalinteeda adigaan calow kuu xog badiyaaye
- Xayskiyo dharaartaad ogayd aynu xulufownay
- Dharaartii xadhkahan laysku xidhay unuga loo xaadhay
- Xanuun baa ku reebee kalkaan dhiganay xaydaanka
- Xubin baad ahayd daahirow xero dhigeedii
- Se anoon xayirin maalintay dani u xoog sheegtay
- Ee uu xidhnaa jaanta adag saanti reer xodayo
- Xaragada ninkaan buudhka baray baalashkiyo xeerka
- Ninkii aan karbaashkii xumaa galab ka soo xooray
- Shaadh xariira koodh iyo surwaal qaab xidiyo muuqle
- Iyo tayga dheer kaan u xidhay korodhsay xeeshii
- Dhaartuu xilaha maaganaa kaan u huray xooga
- U xanbaarshay maalkaan lahaa dadabgalkii xaali
- Xabaal muudihiisoo ka tegay oo laga xawaareeyey
- Arooskiisa kaan xawawarsheen ila xidhkow daahay
- Een xagasha naaftadi xariir ugu xanbaaraayey
- Xag loo dayaba kii aan lahaa yaan xubnuhu liicin
- Maantaa xiskiisiyo qalbigu xaaluf joogsadaye
- Inaanse doqon xin iyo xaasidnimo xaashe laga waayin
- Oonay kii xanaanshaba malgiga xiira la haleelin
- Aasaanay xeer ninimo kuu galayn waa tu xaadirahe
- Balse xaajo yaabliyo garbuu dhalay xuskaygiiye
- cishaduu xaraabuhu ka dhacay xaafadiyo reerka
- xinjirtuna waraabeeye tiil gubad xariiroo dhan
- ee sulubku uu xiimayee xoruntu qiiqaysay
- Ee uu ximruhu saydhmayee laysu wada xiiray
- Qaylada xaduurkii markii nalagu soo xeebtay
- Xaalaadku suu yahay markii xogi nasoo gaadhay
- Inagoon is xaman sowti aan xiiqsanayn wadarta
- Een weliba xamaalkana ahayn rarayey xoolaha
- sow inagiin xayow muu goblamin mana xiniin beelin
- Xasanow lahayn waxa u kacay kuman ah xeerbeegti
- Xanshashaqase sowtaan lahayn kii xistiya maanta
- Xagee buu ku cuni maalkanuu dib u xasaynaayo
- Xariifyahow hadii aadan bixin cidise kaa xoogin
- Ood ahayd mushtari xoolo loo raba xisaabtiisa
- Inta aad xornimo iibsataad xoogsi tegi layde
- Se markii xiligu uus bedelay ee wakhtigu xaytay
- Bii aar aarna ay xidhantayee ooda lagu xayday
- Ee ay noqotay xaaraama cune xaalufkiyo juuca
- Ee uu xasaagii ku dhibay amase xayraanku
- Ay arini xumaataan anigu xoolo kaa bixiyey..........................................
wa bilaahi towfiiq
maxamed yaasiin maxamed ilkacase