Gabaygii CAAMIYE
Posted by ifraax on July 12 2015 14:30:48

Gabaygan gaaban waxaan marayey xiliyadii dagaalada waxaanan u tiriyey dhalnyaro uu ka mid ahaa cabdilaahi bide waana kan gabaygaasi ee akhris wanaagsan waxaanu ahaa gabay kaftan iyo jareexo ahaa oo aanu aad ugu kaftanay.


  1. caynaanka gabay waayo dheer waanigaan curine
  2. ma cadaynin maansooyinkaan caanka ku ahaaye
  3. cindiga iyo laabtiyo kaskiyo cunaha dhuuntayda
  4. calooshiyo qalbiga kama sal go'in caynay leedahaye
  5. layguma casuumine hidaa ii cimaamadaye
  6. aan cadeeyo caawaba dhacdadu waa cajiib qorane
  7. markii uu cartamay maalintuu sebenku ceeryoomay
  8. kaaruhu cargaagtamay shilkuhu dhowr cod uu bixiyey
  9. ee suugu caarada la baxay cunaha uu dhaafay
  10. cishadii madaafiicda daran laysu celinaayey
  11. cuna buurka siikaawihiyo midaan wax cayntaynin
  12. oo cago leh caliyow markay cugatay beesheenu
  13. ee barbaartu ay ciidameen baad ka cararteene
  14. caga dhabadka nimankii ku tegey seeto cidhifkeeda
  15. ee oodwayne oon cidi fadhiyin ka cega taagleeyey
  16. ee aan cad iyo maati qixin amase caynaanin
  17. ee canaanta ii soo dirow caamiyaad tahaye
  18. ninkii weerar caabiyey ninkii cadawga taakeeyey
  19. ee cududa libineed hantiyey caray cartii deeqa
  20. ee caagan bixiyaan nahoo loo cimaamadaye
  21. baqacarar ninkii taw yidhow ceeb adayska lehe
  22. caqli xumo libtaad tuurtayeed cida uga baydhay
  23. cadaloolkan guusha ah waxbaba hawcalaacaline
  24. cabdilaahi how dudin dhacdadan kugu cidaadnaatay
  25. caruurtiyo haweenkaa ogsoon camal falkiiniiye
  26. adigiyo colkaaguba gabada ciirtay taladiine

 

                                                                   Allaa mahadle 
                                               maxamed yaasiin maxamed ilkacase
                                                             [email protected]