Musuq-maasuq Baahsan oo hadheeyay Qaybta xisaabaadka ee wasaarada waxbarashada G/Awdal. Qalinkii : jaamac Aadan Cilmi
Posted by abdi on March 06 2016 03:23:21

Qaybta ta xisaabaadka  ee W/W/G/Awdal waxyaabaha  dhibaatada ah ee ay ku hayso macalimiinta G/Awdal wax loo dul qaadan karo ma,aha  hadaan  laga gaadhin macalimiintaa   masaakiinta ah,gaar ahaan waliba  kuwa dugsiyada hoose dhexe oo iyo iyaga macalimiintoodii in ay iskaga dareeraan qarka usaaran yihiin,markii  intiiyarayd  ee ay dawladu  siin jirtay  ay dhexda  ufadhiisatay Gabadha xisaabaadka  ah  iyo  Group  ay iyadu  samaysatay oo ku heshiiyay boobka intaayar ee masaakiintaa lasiiyo,iyada oo intaayar ee maalin lagu qadeeyo  ee ay bisha dhan sugaan ay usamaysatay nidaamyo ay ku qaadatay  intaayar ee lacagta ah.

1.        Waxyaabaha aadka  uyaabka badan  waxa kamid ah in  Gabadhaa xisaabaadka  ahi ay goosato  lacag ay ku magacawdo ganaax , lacagtaas oo ay ka goyso macalimiinta  dugsiyada  hoose dhexe oo kali ah  waliba inta  tabaashiirta  haysata  ee wax dhigta ,halka  ku wa aan waxba  dhigin ee suuqa iska joo.

2.       Waxa kale oo jira     todoba qof  oo sadex ay walaalo yihiin  sadex ay iyadu dhashay iyo hal inan oo  ay ilma abti yihiin , intaasi midna meel kama shaqeeyo , dhamaan  lacagta waxay ku qaataan fadhiga  , iyaga oo aanwax shaqo ah qaban, halka mid kamida caruurteeda oo  yurub  joogaa lacagtiisa walia ay qaadato.

3.       Arinta kale  ee aadka uyaabka badan waxa weeyi   macalinka meheradeeda  waxka  amaahda ee lacag aykuleedahay  haduu shaqeeyo iyo hadii aanu shaqaynba  cidlacagtiisa  hadal qaadi kartaa ma jirto walaa Gudoomiye  cid wax waydiin  kartaana ma jirto .

4.       Waxay la wareegtay   shaqadii ay qaban lahaayeen  kormeera yaashu  oo iyada ayaa  soo kormeerta  iskuulada , shaqadeedii   xisaabaadka oo socota ayaa  waxay odhanaysaa  waan xidhanayaa meesha  iska socda waxan soo kormeerayaa iskuulo ,  macalimiintii masaakiintii oo baahan ayay in dhaha kaga dhacaysaa  hadii uu hadlana lacagba kuma siinayo ayay odhanaysaa, aritaasina meel adag ayay maraysaa hadaan wax laga qaban.

5.       Xaaladaha aan kala qarsiinta lahayn  ee  ay ku kacdo waxa kamid ah marka kormeer ka imanayo  hargaysa , iskuulada waxay keentaa dad  caaglayaala oo ay gacanta ku haysato waxayna tidhaahdaa  in ta kormeerku  dhamanayo  halkaa   ha ii joogaan  marka  kormeerkaasi dhamaadana , way iska tagaan, haday maamulayaashu  kahadlaana  waxa lacagaba siin mayso  .

 

 

Qalinkii : jaamac    Aadan    Cilmi