Talo kusocota Beelaha madigaan ee Degen Somaliland iyo dhamaan Dacalada Dunida: Qalinkii Maxamed Cumar Warsame (London, UK)
Posted by xaaji on June 30 2016 02:31:50

Beelaha  Madigaan waxay kamid yihiin  Beelaha wawayn ee Degen Somaliland  Gaar ahaan Gobolada  Maroogi jeex  Gabilay iyo Awdal   Beelahaasi   oo qayb lixaadleh kazoo qaatay   dib udhiskii iyo dib uheshii siintii somalind  waayo Beelahaasi kama ay qayb qaadan dagaaladii sokeeye markaa taasina waxay jaanis usii say in ay   dhex dhexaadiyaan oo ay isku soo dhaweeyaan beelihii kale ee Somaliland ee ay colaada ba,ani kadhaxaysay  dabadeedna sidaasi  ay kubilaaban tay inla  qabto  shirar  beelihii Somaliland deganaa aayahooda ay kaga tashanayaan  sida shirkii Burco 18kii may 1991 laga dhawaaqay  gooni isutaaga Somaliland iyo  shirkii  Borame  1993kii   ee  aasaaska   u ahaa  nidaamka dawladnimo laguna soo doortay  madaxwayne  Maxamed X.ibraahin  Cigaal  Madax-Wayne  ku xigeena  loogu  doortay  C/Raxmaan Awcali Faarax  Golahii hore  ee Baarlamaanka  iyo Golaha  Guurtida  Ee  hada  jooga.

Hadaba  intaa wixii kadan beeyay  waa  la iska ilaaway  beelaha madigaan     xuquuqdoodiina  waxay ku dhacday God dheer   maalinta dan laga leeyahay ayuunbaa lagu  Awr-Kacsadaa  halkaasna waa lagu  dhaafaa  ,waxa  arintaana  markhaati cad kuugu ah   Dawldihii  kahoreeyay  dawladan klmiye  hogaaminayo  ee madaxwaynaha uu kayahay Axmed  maxamed maxamuud siilaanyo  waxaay kulaan jireen  beelahaa madigaan w/kuxigeen laakiin dawladan  kulmiye  beelahaa waa laga sifeeyay   iskadaa wax kale   sadexdaa  Gobol ee ay dagan yihiin kuma laha  isku duwe Gobol  arintaasina waa arin uu ubadheedhay  xisbiga  Kulmiye  Xisbigaa   kulmiyana  wuxu  u cadeeyay beelaha   madigaan in aanu  waxba  uga baahnayn   taageero  iyo cod midna  .

Hadaba  waxan leeyahay  beelahaa madigaan ee deegaankaa balaadhan ee aan kor ku soo sheegay degan   in ay tashadaan   

1.  In ay  iskugu yimaadaan  shirwayne qaran  oo ay aayahooda  kaga  tashanayaan   

2. In salaadiinta   iyo  cuqaasha  beelahaasi  ay  cadeeyaan mawqifkooda  kaga aadan xisbiga  kulmiye  ayna umadooda  u hogaamiyaan  meesha  ay dantu  ugu  jirto cidii xuquuqdooda  ay ka helayaana ay cod kooda  siiyaan

3.  hamoodina  in aan is xigno  muuse biixi  iyo xisbiga  kulmiye ee uu musharaxa  kayahay  yaanan  la inigu sasaban isku deegaan ayaan  waayo  hadaan is xigno waa  la arki lahaa beeshuna  halkaa kuma dhacdeen cidii dantu inoogu jirto ayuunbaan raacaynaa  aduunyada waxa lagu xisaabtamaa maxaa faa iido iigu jirta    sadexda  xisbi qaran  ee somaaliland  kii dani inoogu  jirto  ee aan xaqeena  ka helayno  ayuunbaan codkeena siinaynaa.

Qalinkii   Maxamed   Cumar  Warsame  (London, UK)