Muxuu Tukriga u daneynayaa gobolka geeska Afrika
Posted by xaaji on January 15 2026 01:36:45

Bariga Afrika, gaar ahaan waddamada ku teedsan badda cas iyo badweynta Hindiya waxa ay in muddo ah ahaayeen goob ay u kala ordayaan awoodaha caalamka.

Turkigu waxa uu maalgelin ballaaran ku sameeyey Soomaaliya, isaga oo ka dhigtay saldhiggiisa ugu weyn qaaradda, Maraykanka iyo Shiinaha Jabuuti ayey iyaguna degan yihiin, iyaga oo halkaas ku leh xaruntooda ugu wayn ee qaaradda.

Siyaasadaha Turkiga ee ku wajahay arrimaha dibadda waxa ay ahayd mid xir xiran, taas oo ku keentay in uusan iskaashi wayn la yeelanin waddamo badan oo caalamka ah. Balse waayadii dambe waxa uu bilaabay inuu isbeddel ku sameeyo dhaqankaas isdhex-gal la'aanta ah, waxa uuna ka bilaabay inuu iskaashi la sameeyo waddamo ay ka mid tahay Soomaaliya.

Turkiga dagaalkii koowaad ee adduunka, markii dowladdii Cusmaaniyiinta ay ka burburtay waxa ay qaateen siyaasad ah in ay is ururiyaan oo aysan ku lug yeelan waxii dunida ka socday, dadka falanqeeya arrimaahanna waxa ay ku sheegaan in Turkiga uusan lahayn waqtigaas madax banaani siyaadeed oo ku wajahan adduunka illaa uu ka dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee adduunka.

 

Kadib intaas, isku daygoodii u horreeyey waxa uu ahaa in ay dhisaan xiriirkooda kala dhaxeeya dowladii asal ahaan Turkiga kasoo jeeday oo dowaladdii Cusmaaniyiinta maamuli jireen.

Dabayaaqadii shagaashameeyadii waxa uu usoo ruqaansaday in uu Afrika ka dhisto waddamo ay isk kaashaadaan, isagana uu ku muujiyo awooddiisa dhaqaale iyo tan ciidan ee soo koroya.