Ninkii K/Afrikanka ahaa ee gudaha garonka xamar kudilay ninka somaliyed oo siibaxsanaya aya la qabtay iyo qarabadii oo shegay in dhagax lagu dilo.
Posted by xaaji on June 11 2013 12:04:01

Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho ayaa waxa dhawaan ka dhacay arin ay badankood dadku la yaabeen qaabka ay udhacday.


Extended News

Garoonka Diyaaradaha Adan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho ayaa waxa dhawaan ka dhacay arin ay badankood dadku la yaabeen qaabka ay udhacday.

Arintan dhacday ayaa ah marki Nin la sheegay inuu udhashay dalka K/Africa uu dil ugeystay Shaqsi ka mid ahaa dadka ka xamaasha Garoonka diyaaradaha Adan Cadde airport.,,

dhanka kale Ninka dilka ugeystay Cali Nuure Kheyre ayaa waxa la sheegay inuu ka shaqeynayey Shirkada SKA ee iyadu maamusha garoonka waxaana is faham waa soo kala dhex galay uu kadib darbi madaxa kaga garaacay islarmarkaana sidaas ninka uu ku geeriyooday.

dhinaca kale Qaar ka mid ah ehelada ninkaasi Somaliga ahaa ee la dilay falka lagu dilayna uu muqdisho ka dhacay ayaa waxay sheegeen inay jirto ninkii dilka geystay hadda uu ku xiran yahay xarunta Dambi baarista CID-da Muqdisho

Hargeysa Online