Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa iska soo tuuray dabaq kadibmarkii uu u qasday inuu isdilo.
Wiilkaan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa iska soo tuuray dabaq kadibmarkii uu u qasday inuu isdilo.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Wiilka isdilay uu waayay sharci uu in badan raadinayay. Guuleed ayaa soo galay Dalka Talyaaniga sanadkii 2011.
Dadka Soomaalida ah ee kunool Dalka Talyaaniga ayaa dhibaato kuqaba helida sharciga Dalkaas. Soomaalida kunool Dalka Talyaaniga ayaa badankood waxay kugaleen qaab Tahriib.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa kala kulma Talyaaniga nolol aad u adag.
Dhalinyaradaan ayaa waxay qaar kamid ah ushaqatagaan beeraha Talyaaniga si ay uga raadsadaan nolol maalmeedkooda. Dhalinyarada qaar ayaa sidoo kale kashaqeeya dhaqida Gawaarida, halka kuwa kalana ay bartaan farsamada Gacanta.
Tahriibta ayaa Soomaaliya waxay katahay wax iska caadi ah, iyadoo la ogyahay in dhibaato lagala kulmo xitaa hadii aad tagto wadanka aad kuhamaniysay.
Allaha u naxariisto Maxamed Maxamuud Guuleed ayaa ifka katagay isagoon gaarin hadafkii uu u tagay Talyaaniga.
Geerida waa xaq balse mafiicna in la isdilo.
Hargeysa Online