Cung yar oo todobo bilood jir ah ayaa la dhibaateysan wax u eg seynta xayawaanka oo ku teedsan laf dhabartiisa ilaa dabada oo sii weynaanaysa todobaad walba, wiilkaan oo lagu magacaabo Xiao Wei
Cung yar oo todobo bilood jir ah ayaa la dhibaateysan wax u eg seynta xayawaanka oo ku teedsan laf dhabartiisa ilaa dabada oo sii weynaanaysa todobaad walba, wiilkaan oo lagu magacaabo Xiao Wei ayaa dhashay isagoo leh seenta ama dibka xaywaanka oo kale walow aysan duf ama tin laheyn seeynta wiilkasi yar ku taala,



Kadib markii arintan ay so shaac baxday ayaa hooyada dhashay wiilka Chen Wei oo ka soo jeeda gobolka Guangdong ee koonfurta Shiinaha waxaysheegtay in dhaqaatiirta ay ka codsatay in seynta ay ka jaraan wiilkeeda balse suuragal mahan in la jaro waqtigan ayay ku yiraahdeen sida ay sheegtay,
Sido kale Waaxda Caafimaadka Shiinaha oo ka hadlay xaalada naadirka ah wiilka yar ayaa sheegay in seynta ay la xiriirto habdhiska neerfaha sidaas darteedna ay qatar badan u keeni karto caafimaadkiisa sidaas darteedna aysan ku deg degi karin xiligan,
Dr. Huang Chuanping oo ka mid ah dhaqaatiirta la socda sida ay u sii koreyso ama u weynaaneyso seynta wiilkaasi ayaa sheegay in wax xoogaa ay ku sii kordhaan todobaad walba hadana waxa ay gaareysaa 10 centimeter ayuu yiri.
Ugu danbeeyntii arintaan lagu arkay ilmaha yar ayaa naxdin iyo argagax ku beertay hooyadiis iyo dhamaan dadka la kulmay iyadoo ay ka mid tahay mucjisaadka lagu arko aduunka oo maalin walba ka dhaca daafaha Caalamka
Hargeysa Online