Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia ayaa wada qorshe la doonayo in magaalada Muqdisho lagu keeno Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab kaasoo shalay isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb .
Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia ayaa wada qorshe la doonayo in magaalada Muqdisho lagu keeno Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa saraakiisha Al-Shabaab kaasoo shalay isku dhiibay maamulka Ximan iyo Xeeb haatana lagu hayo degmada Cadaado.
Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in wasiirada arrimaha gudaha iyo difaaca ay xiriiro joogto ah iyo wada tashiyo la yeelaanyeen 24-kii saac ee la soo dhaafay masuuliyiinta maamulka Ximan iyo Xeeb oo gacanta ku haya Xasan Daahir.
Maamulka Ximan iyo xeeb oo awood ahaan jilicsan ayaa ka cabsi qaba haddii Xasan Daahir lagu sii hayo Cadaado iney halkaas weeraro ku soo qaadaan Al-shabaab iyo ahlu suna oo midba goonidiis u ugaarsanaya Xasan Daahir si ay uga faro maroojiyaan.
Masuuliyiin ka tirsan Ximan Xeeb ayaa sheegay iney doonayaan in Xasan Daahir ay kala wareegto gacan kale, si xasilooni daro looga fogeeyo degaanada ay maamulaan, iyagoo xusay iney u badan tahay in Shiikha loo soo duuliyo magaalada Muqdisho laguna wareejiyo dowlada Somalia.
War goor dhow na soo gaaray waxaa uu sheegayaa in garoonka dayuuradaha Aadan cadde ay ka dhoofeen xubno uu ku jiro siyaasiga Yuusuf Siyaad Indhacade iyagoo ku sii jeeda degmada Cadaado oo Shiikh Xasan Daahir Aweys lagu hayo, ma jirto war ay saxaafada ka siiyeen ujeedada safarkooda.
Afhayeenka madaxtooyada Ing. Yariisow ayaa sheegay in dowladu ay si dhow ula socotay xaalada Shiikh Xasan Daahir, ayna kula dhaqmeyso siyaasada guud ee dowlada oo ah in la soo dhoweeyo shaqsi kasta oo doonaya inuu ka qeyb qaato nabada iyo dib u heshiisiinta dalka, meelna iska dhigo in dagaal iyo xabad wax lagu raadiyo.
Hargeysa Online