MADAARKA HARGAYSA OO DAREEN WAYNU KA JIRO KACDOONA KEENI KARTA.
Posted by xaaji on June 03 2012 22:37:19

Waxa baryahan danbe isa soo taraaya dareenka ka jira madaarka hargaysa
mudooyin badan ayaa waxa jiray cabasho ka imanaysa  bulshada  ku dhaqan
agagaarka madaarka  hargaysa oo  in badan maamulka dawlada hada jira
uga digay in laga fogaado  sida  shaqooyinka uu u bixinaayo wasiirka duulista
iyo hawada maxamed xaashi cabdi
 
Waxa maalin kasta  shaqo ka hela madaarka hargaysa   shacbiga soomalialand
ee ka kala yimi   gobolada dalka  , waxaase aan shaqo ka helin kuwa ayagu ka agdhaw
madaarka hargaysa  ee ku kala nool  degmooyinka   , guryasamo, iftin,  maxamed mooge
maxamuud haybe iyo axmed dhagax waa qofba siduu u yaqaanee
in badan ayaa mamulka dawlada looga digay   sida aan wanaagsanayn ee wasiirka duulistu
u maamulaayo madaarka hargaysa.
 
Ilaa imikase maamulku waxba kama qaban arintaa dadwaynuhu ka biyo diiday
dekeda berbera ayaa markaad  tagto waxad arkaysaa in 90% inay ka shaqeeyaan
dadka degaanka.
halka kastamka  galbeeka ee cashuurta jaadku soo marana ay tahay meel
90% ay ka xoogsadaan dadka degaanka ilaahay ha u barakeeyee
 
Hadaba waxa is waydiin mudan  maxay ku dhacday in dadka degaanka u leh
madaarka hargaysa.
ay noqdaan qaar shaqaalahoodu  noqdo 10% kaliya  [ waa su,aasha ilaa imika
aan jawaabteeda lahayn].
waxaad moodaa dadka soomaliland qofka lexejeclada u leh dalkiisa ee samirka badan
aan waxba loo garan waqtigan xaadirka ah
malaa waxa dan la mooday in ninkii cadho muujiya ama diidmo keena la siiyo
wax lagu qaboojiyo.
 
Waxay ila tahay in xukuumada  madaxwayne axmed maxamuud siiraaanyo alla
ha dheereeye cimrigiisee uu fara galin ku sameeyo  nidaam darada uu wado
wasiirka duulista iyo hawada  MAXAMED XAASHI CABDI kuna waaniyo inuu ka dheeraado nin jeclaysiga
oo  loo qaadan karo in meeshuba tahay meel nidaam qabiil ku salaysan
dadku way degan yihiiin ee yaan la kicin oo ficilka wasiirka duulistu uu wadaa jar inaga tuurin
balaayo ka hor tag bay leedahay ee kadaba tag malaha.
 
Cadaalada iyo sinaanta iyo dimuquraadiyada soomalinad waxaan qabaa inaanay
gaadhin wasiirka duulista iyo hawada  MAXAMED XAASHI CABDI
waxa wasiirku doorbiday inuu umada isku jabiyo oo madaarka hargaysa ku shaqaaleeyo
nidaam laga xishoodo oo waqtigiisii dhacay[ waa nidaamka qabiilkee]
 
gabagabdii
Waxaan leeyahay wasiirka duulista iyo hawada MAXAMED XAASHI CABDI   nina kuugu dulqaadan maayo
in wiilka madaarka dhinac dagana uu shaqo la,aado
rag aad soo xulatayna doolar ku hor cunaan waxa taasi keenaysaa kacdoon BALAADHAN
waxay taasi khalkhal galinaysaa nabada iyo wanaaga shacabku kuwada noolyahay
wasiirka duulista iyo hawada waxaan leeyahay [ FARI TOGDHEER BAY KULA XUSHAA]
ka fiirso wasiir  tacadiga iyo dulmiga ad ka dhex wado bulshada soomaliland
ee walaalaha ah ee aan la rabin inay iska hor yimaadaan.

 
Hadii aanad u bislaan cadaalada iyo sinaanta ay gaadhay soomaliland waxaan wasiir kugu waaninaya
inaad si dhib yar xilka uga degto  taasaa malaa dalka iyo dadkaba u fiican oo lagu kala badbaadaya
adigana kuu fiican oo  masuuliyada aad qaadi kari wayday ee aad xilkeeda gudan kari wayday
kuu hawl yarayn lahayd
waxay tahay wasaaradaadu ta ugu liidata ee ilaa imika lagu dhaqo nidaam musuqmaasuqa oo
aan ka jirin dalka intiisa kale
 
wabilaahi tawfiiq
siciid cabdi dheen
[email protected]
london