Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Hor Tagay Golaha Guurtida.
Posted by abdi on October 01 2013 09:14:31

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay hor yimid golaha Guurtida Somaliland. Fadhiga Golaha Guurtida oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golahaasi.


Extended News

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shalay hor yimid golaha Guurtida Somaliland. Fadhiga Golaha Guurtida oo uu shir Guddoominayay Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golahaasi, ayaa waxa uu Wasiirku mudaneyaasha siiyay warbixin dheer oo ku saabsan xaaladda guud ee Wasaaradiisa iyo halka ay ku dambeeyeen wadahadaladii labadda wadan ee Somaliland iyo Somalia. “Sida aad la socotaan Wasaaradda waxa aan joogay muddo laba bilood ah, waxaana I magacaabay Madaxweynaha Somaliland in aan ka shaqeeyo sidii ay xidhiidhka arrimaha dibadda iyo waliba horumarka dalka aan uga shaqayn lahaa, waanan aqbalay. Waxaan aad ugu mahad celinayaa Wasiiradii iga horeeyay rag iyo dumar intii iiga horeysay wasaaraddan, waanan u mahad celinayaa meelihii ay soo gaadhsiiyeen. Wasaaradda Arrimaha dibadaba Somaliland sida aad ula socotaan ama iigu muuqato waa muraayadii dalkan, aniguna sida aad la socotaan 40 sano oo dhawdhaw waxa aan la shaqayay hay;addaha caalamiga ah, khibradayduna halkaas bay u badan tahay”. Mar uu ka hadlayay Wada Hadaladda Labadda Wadan ee Somaliland iyo Somalia waxa uu sheegay in aanay waxba ka bedeli doonin Rabitaanka Shacabka Reer Somaliland oo ah sidii ay umadda reer Somaliland gaarkeeda isugu taagi lahayd, waxaanu yidhi “Runtii dalka Turkiga oo walaaladeen ah, wadan muslim ahna ayaa ina dhexdhexaadinaya dalka Somalia, walaaladeen reer Muqdisho waxa ay mar walba leeyihiin wada hadaladii si fiican ayay u socdaan, waanan ku soo dabaalaynaa walaaladeen, waxa aan leeyahay arrinta Somaliland waa mid muqadas ah, waana rabitaanka Somaliland in ay gaarkooda u taagnaadaan”.

Hargeysa Online