Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo digreeto uu soo saaray doraad muddo kordhin laba sanadood ah xilkii ugu cuboonaysiiyay guddiga diiwaangalinta.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo digreeto uu soo saaray doraad muddo kordhin laba sanadood ah xilkii ugu cuboonaysiiyay guddiga diiwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada oo dhawaan muddo xileedkii labada sanadood ahaa uu ka dhamaaday. Xeerkan uu madaxweyne Siilaanyo muddada xilka uu ugu cusboonaysiiyay guddiga diiwaangalinta ayaa jawaab u noqonaya go’aamkii ay golaha wakiiladu miisaaniyada 2014-ka kaga saareen guddiga diiwaangalinta oo ay sheegeen in muddo xileedkii guddigaasi ka dhamaaday, taas darteedna ay ku sababayeeb hakint abajadka miisaaniyada uga qoondaysanaa guddiga diiwaangalinta. Sida uu dhigayo xeerka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer Lr 14 ayaa madaxweynaha awood u siinaya soo jeedinta muddo kordhinta guddiga diiwaangalinta marka muddada xilku ka dhamaato halka uu golaha wakiiladana awood u siinayo ansixinta xubnaha guddiga diiwaangalinta ururada iyo axsaabta siyaasada.
Hargeysa Online