Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo socdaal ku joogay dalka Faranciiska maalmihii ugu damebeeyey ayaa manta oo Arbaca ah soo gaadhay magaalada London ee dalka UK.
Madaxweyne Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo socdaal ku joogay dalka Faranciiska maalmihii ugu damebeeyey ayaa manta oo Arbaca ah soo gaadhay magaalada London ee dalka UK. Socdaalkan kan oo uu hore u shaaciyey madaxweyne Siilaanyo maalintii uu ka soobaxayey Hargeysa, isla markaan uu ku sheegay in uu fasax iyo nasasho u imanayo London ayaa soo dhaweyntiisu waxa ay u dhacaday sii hore loogu soo dhaweyn jiray dalka UK.
Waxa madaxweynaha soo dhaweeyey xubno ka mid ah wasaarad arimaha dibada ee UK, sawiirka wareega
ee Somaliland Kaysar C/laahi, safiirka UK ee Somaliland- Cal Adan,x ubno ka mid ah jaaliyada ee degan London iyo xubno kale oo ka mid ah xusbiga Kulmiye iyo fanaanka la yidhaa Cabdi qaboojiye oo hore u qaaday hees uu ku amaanayo madaxweyne Siilaanyo, iyo sidoo kale saxafiyiin halkaa u tagey in ay ogaadaan imaanshaha madaxweynaha.






Madaxweyne Siilaanyo waxa uu warkooban oo socdaalkiisa iyo himilada uu qabo siiyey TV dawladu gacanta ku hayso ee TV-qaranka Somaliland, kaas oo uu uga waramay arimihii uga soo qabsoomay Faransiiska oo aanu tilmaamin wax cad oo uga soo qabsoomay, sida ka muuqatay wareysiga laga siidaayey TV Qaran.
Madaxweyne Siilaanyo oo ay socdaalkan ku wheel;inaysay marwadiisa Marwo Aamina Waris ayaa la filayey in ay la socdaan wasiiro uu ka mid yahay wasiirka madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, hase ahaatee kaga hadhay magaalada Paris, halkaas oo ilo ku dhadhow noo xaqiijiyeen in wasiir Xirsi ugu hadhay dardar-galinta qaadhaan ururinta wada Ceerigaabo oo bulshada France degan wali wax qaadhaana bixin oo wada Ceerigaanbo ka gaysan, balse qayb ka qaatay wadooyinka gobolada galbeed ee Somaliland.
Socdaalka madaxweyne Siilaanyo ee UK ayaan la cadayn muda uu joogayo iyo arimaha caafimaad ee uu hore u sheegay nooca ya yihiin, iyo in uu la kulmdoono bulshada Somaliland ee UK oo uu caadiyan la kulmo marka uu yimaad. Socdaalkan doorkan ee madxweynaha ayaa ah kii labaad ee uu London ku yimaad ee shaaciyo in uu arimo caafimaad iyo nasasho ugu yimaad, sidoo kale waxa uu guri u gooni ah ku lee yahay galbeedka magaalada London oo uu hore u daganaa ka hor intii uuna xukunka qaban.
HargeysaOnline.Net