Xaflad lagu Maamuusayay Maalinta Dhaqanka Somaliya oo lagu qabtay magaalada Nairobi.
Posted by abdi on January 26 2014 06:42:30

Xaflad si wayn loo soo Agaasimay oo ay ka soo Qeybgaleen Marti sharaf dadweyne aad u badan oo gaaraya 200- qof, Fanaaniin Majaajiliistayaal uu ka mid ahaa Jinni Ishumi iyo kuwa kale ayaa waxaa shalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi.


Extended News

Xaflad si wayn loo soo Agaasimay oo ay ka soo Qeybgaleen Marti sharaf dadweyne aad u badan oo gaaraya 200- qof, Fanaaniin Majaajiliistayaal uu ka mid ahaa Jinni Ishumi iyo kuwa kale ayaa waxaa shalay lagu Qabtay Magaalada Nairobi gaar ahaan Xaafada Somalida Dagto ee islii.

Somali Cultural Day ama Maalinta Dhaqanka Soomaaliya oo ah Maalin ku wayn Umada Soomaaliyeed, ayaa waxaa halkaas lagu soo bandhigay Somalida waxay Caadada u lahayd ama Xerka, sida Xeero fandhaal, Luqmad ama Oodkac Soor, shaaha iyo Wixii soo Raaca, waxaana ku Tartamayay arday ka mid ah ardayda dhigata Machadka Atlas Colege, kuwaas oo kala galay kaalimo kala Duwan, waxaana lagu Bixinayay Koob ama abaalmarino kala Duwan, Waxa uuna Xiligan Machadka Atlas yahay kan ugu wayn Machadyada ku yaala Xaafada Soomaalida dagto ee islii.

Maamulka Atlad Collage ayaa waxa uu soo Qaban Qaabiyay Barnaamijkan, waxayna ku Beegnayd 25- Janayo maalin astaan u ah umada Soomaaliyeed kuwaas oo Xusa sanad kasta shalay oo kale.

Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Agaagsimaha College, Mr. Abdulqadir Maxamud Ibrahim, Cabdi Casis Axmed Gurbiye, oo ah Maamulka College, Macallin Cali Ibraahim Abdulbaari (Shalabow) iyo Macallin Qadar Maxamuud Diiriye ayaa halkas Goob joog ka ahaa iyo marti sharad Goobta lagu Casuumay.

Sidoo kale Somalida dagan islii ayaa waxay yihiin kuwa Xiliyada dhaqanka iyo Dabaaldagyada Xafladaha iyo Munaasabadaha ku Maamuusa si sharaf leh, sida shalay ka Muuqatay goobta.

Machadka Atlas Colege ayaa Xiligan ah Horyaalka dhaqanka iyo Maamuuska Somalida waxay caanka ku ahayd, waxaana lagu amaanay Maamulka Machadka in Xiligan uu qaadan Doono Horyaalka Waxbarasho ee ka Jira xaafada Soomaalida dagto ee islii.

Isku soo Dooboo Agaagsimaha College Atlas Mr. Abdulqadir Maxamud Ibrahim ayaa sheegay in ay Xili kasta Diyar u yihiin ama ay ka mid tahay Manhajka ay wax ku dhigaan Atlas ahaan waxa uuna balan qaaday in ay arintaas mar walba ku Baraarujiyaan in ay wax ka baraan dhaqanka Soomaaliya iyo Hidihii.

 

HargeysaOnline.Net