Golaha wasiiradda maamul goboleedka Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay, kuwaas oo ay ka ka dhex-muuqdaan xubno ka soo jeeda deegaamo ka mid ah Jamhuuriaydda Somaliland.
Golaha wasiiradda maamul goboleedka Puntland ee uu hogaaminayo Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa shalay si rasmi ah loogu dhawaaqay, kuwaas oo ay ka ka dhex-muuqdaan xubno ka soo jeeda deegaamo ka mid ah Jamhuuriaydda Somaliland oo uu ka mid yahay hogaamiyihii kooxdii nabad-diidka ahayd ee Khaatumo Axmed Karaash oo loo magacaabay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha maamulkaasi.
Liiska xubnaha wasiiradda ayaa waxa isagu ku dhawaaqay oo warbaahinta u akhriyey agaasimaha guud ee madaxtooyada Puntland Mr Deeq Suleymaan Yusuf, kaas oo halkaasi ka iclaamiyey wasiiro tiradoodu kor u dhaaftay 47 xubnood oo iskugu jira 18 Wasiir, 19 Wasiir ku xigeen iyo 9 Wasiiru-dowle, kaas oo aan liiskaasi ku darin magaca wasiirka warfaafinta maamulka Garoowe.
Magacyadda masuuliyiinta uu ku dhawaaqay agaasimahaasi ayaa waxay kala yihiin :- “Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta, Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose, Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda Amniga, Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Sahra Siciid Nuur Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda, Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah,
Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda Xaanada xoolaha, Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka, Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada, Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka,
Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka, Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska, Abdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo kehyraadka badda, Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta, Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha, Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada”.
Sidoo kale wasiir ku xigeenadda uu magacaabay C/wali Gaas ayaa waxay kala yihiin :- “Maxamed Faarax aadan Wasiir ku xigeen Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta, Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose, Cabdicasiis Maxamed Adam Wasiir ku xigeenka Amniga, Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda, Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir kuixgeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka, Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah, Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha,
Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada, Aamina maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka, Nuur Axmed Yuasuf Wasiir kuixgeen Warfaafinta, Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud, Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir kuixgeenka Duulistan & Garoomada, Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka,
Maxamuud Maxamed Cali Wasiir kuxigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda, Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir kuxigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda, Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada, Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska, Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta, Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershadaha. Waxa kale oo iyaguna intaas raacay wasiir-dawlayaal dhawr ah oo magacyadoodu kala yihiin Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha, Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha jkaluumeysiga & kehyraadka badda, Cali Yusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose,
Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada, Dr.Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah, Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada, Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka, Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xidhiidhka Caalamiga iyo Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga”.
HargeysaOnline.Net