Xasan Daahir Aweys oo ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ayaa laga sii daayey xabsi ciidanka nabad sugida dowlada Somalia ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo uu ku xidhnaa muddo todoba bilood ah.
Xasan Daahir Aweys oo ka tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab ayaa laga sii daayey xabsi ciidanka nabad sugida dowlada Somalia ku leeyihiin magaalada Muqdisho oo uu ku xidhnaa muddo todoba bilood ah.
Lama hayo weli faahfaahin ku saabsan qaabka ay ku timid siideynta Xasan Daahir, dowlada Somaliyana illaa hadda kama hadlin, hase ahaatee warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in sii deyntiisa ay timid ka dib wadahadalo muddo dheer socday oo u dhexeeyey odayaasha beesha Habar Gidir ee ka keenay Cadaado iyo madaxda dowlada Somalia.
Xasan Daahir ayaa waxa la sheegay in la dejiyey guri ku yaala agagaarka xarunta madaxtooyada Villa Somalia, halkaas oo la sheegay inay ku ilaalin doonaan ciidamo gaar ah oo ka tirsan dowlada Somalia.
Lama oga inay arintan ay ka dhigan tahay xabsi guri iyo in kale, mana cadda in Xasan Daahir cidii doonaysa ay soo booqan karto iyo inuu xor u yahay inuu banaanka uga bixi karo iyo in kale guriga la dejiyey.
Xasan Daahir ayaa bishii June ee sanadkii hore doon kaga soo baxsaday degmada Baraawe ka dib khilaaf soo kala dhex galay rag uu isagu ka mid ahaa iyo hogaanka sare ee Al-shabaab, waxa uu ka degay xeebaha gobolka Galgaduud, iyadoo halkaas ay ka soo kaxeeyeen Odayaal ka tirsan beeshiisa oo dowladu ay Xamar ka dirtay si ay Muqdisho u keenaan, waxaana markii ay taa ku guulaysteen dowladu ay xabsiga dhigtay Xasan Daahir oo illaa xiligan xidhnaa, waxaana uu diiday inuu la hadlo saxaafada oo uu cadeeyo inuu ka baxay kooxdii uu ka tirsanaa ee Al-Shabaab iyo in kale.
Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.