Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo beryahan xanuunsanayay.
Waxaa goor dhaweyd ku geeriyooday magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xuseen oo beryahan xanuunsanayay.
Geerida Ra'iisal Wasaarihii hore waxaa Hargeysa Online u xaqiijiyay Abdisalaan C/qafaar Xaaji Xuseen oo ah wiil uu adeer u yahay marxuumka . Marxuumka ayaa ku geeriyooday Isbitaalka Jaamacadda ee Magaalada Minneapolis.
Alle ha u naxariistee C/risaaq Xaaji Xuseen wuxuu ahaa Ra'iisal Wasaarihii labaad oo ay yeelato Soomaaliya oo xor ah, wuxuuna xilka hayay intii u dhaxeysay 14-kii June 1964 illaa 15-kii July 1967. Waxaa xilka Ra'iisal Wasaarenimada kaga horreeyay Alle ha u naxariistee C/rashiid Cali Sharma-arke oo xilka Ra'iisal Wasaarenimada hayay intii u dhaxeysay 12-kii July 1960 illaa 14-kii June 1964.
Hargeysa Online.
New York