Odayaal ka tirsan beesha Habar-gidir oo Xasan Daahir ku booqday hoyga laga dejiyey magaalada Muqdisho.
Posted by xaaji on February 01 2014 06:27:14

Odayaal ka tirsan beesha Habar gidir ayaa xalay ku booqday Shiikh Xasan Daahir Aweys hoyga la dejiyey oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.


Extended News

Odayaal ka tirsan beesha Habar gidir ayaa xalay ku booqday Shiikh Xasan Daahir Aweys hoyga la dejiyey oo ku yaalla dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada ee magaalada Muqdisho.

Xasan Daahir ayaa dhowr cisho ka hor waxaa laga soo saaray xabsiga ciidanka nabad sugida Somalia oo uu ku xirnaa muddo ka badan lix bilood ah, waxaana loo soo wareejiyey hoy gaar ah oo lagu ilaaliyo qaab xabsi guri ah.

Qaar ka mid ah odayaasha oo magacooda ka gaabsaday ayaa sheegay in ujeedada booqashadan ay aheyd sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaalada uu ku sugan yahay Shiikh Xasan Daahir Aweys oo weli gacanta ugu jira dowlada Somalia.

“Xaaladiisa caafimaad wey wanaagsan tahay, wax dhibaato ah oo uu qabo nooma sheegin, wuu na soo dhoweeyey wuuna faraxsanaa” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha booqday Xasan Daahir.

Mar wax laga weydiiyey halka ay marayaan wadahadalka lagu sii deynayo Shiikh Xasan Daahir ee ay kua jiraan dowlada ayaa waxay sheegeen iney meel fiican marayaan, ayna rajeynayaan in xili aan dheereyn ay miro dhal noqon doonaan.

 

HargeysaOnline.Net