Ra'iisal Wasaarihii Hore Ee Somalia Abdirizaq Haji Hussein Oo Xijaabtay Xalay.
Posted by ifraax on February 01 2014 18:20:28

AHUN Abdirazaq H. Hussein wuxu noqdey raysal wasaaraha Somalia bishii june sannadkii 1964 xilkan oo u hayay ilaa bishii july 1976 waxaana madaxweyne dawladdaasi ka ahaa AHUN Aden Abdulle Osman Aden Adde.


Extended News
Rukun Ka Mid Ahaa Tiirarkii Somalia Ee Dhaxalwareejiyay Istiqlaalkii Somaliland
AHUN Abdirazaq H. Hussein wuxu noqdey raysal wasaaraha Somalia bishii june sannadkii 1964 xilkan oo u hayay ilaa bishii july 1976 waxaana madaxweyne dawladdaasi ka ahaa AHUN Aden Abdulle Osman Aden Adde.
Abdirazaq H. Hussein ayaa lagu xusuustaa inu muddadaa ay xukuumaddiisu talada haysay wuxu ku qaatay go'aanno la xidhiidha wax uu isagu ugu yeedhay reform ama isbeddel ku aaddan DAWLAD WANAAGGA isagoo saaray guddi ka soo talisa tayada dhaqaalaha ka dibna amray inu shaqaalihii dawladda u 70% laga eryo xilalka ay hayaan kuna eedeeyay in aanay haba yaraatee lahayn aqoon ay hawshaa ku sii wadaan halka uu ka dallacsiiyay 30% kii hadhay oo u iyaga dallacsiiyay waana halka aadka loogu suuusto iyadoo dhacdadaasi ay ahayd tii la magac baxday kelmadda talyaaniga ah ee ahayd POSTA ROSA oo af ingiriisii ahaan u dhiganta THE ROSE POST. Waxay ahayd baqshado loo direy boqolkiiba 30kii shaqadoodii loo daayay ee weliba dallaacadana muttaystay mid lagu farxad gelinayo.
Mashruuca Posta Rosa oo koonfur aad looga soo dhoweeyay ayaa reer woqooyigu u arkeen dhaxal wareejin iyaga lagu samynayo waayo dadklii tayada lahaa oo dhan ayuu u wareejiyay Xamar iyo koonfur si ay halkaa uga hawlgalaan haddii ay tahay schools, jagooyinka maamulayaasha, agaasimayaasha, maareeyayaasha kuwa safaaradaha ee hooshoose sida xoghayayaasha safaaradaha, miltaray ama commercial attache-yada iwm, iyo guud ahaanba shaqaalaha la odhon karo waa lafdhabarta dawladda hada ama ah mishiinka wadaba oo reer woqooyiga uu u badiyay isagoo aan ujeedadiisu ahayn inu wax taro balse ahayd in koonfurtu ku kacsato dawladda ay iyagu ka taliyaan ee aan aan isla dadkaa u shaqaaleeyay ka helin manaasibta waaweyn oo matalan laga ilaaliyay inay noqdaan wasiirro ama ku xigeenno iwm. Waana sababtaasi ta keentay in siyaalo kala duwan looga arkay woqooyi iyo koonfur oo meelona laga soo dhoweeyay meelna tuhunno adadag iyo fajac ay ku dhalisay tallabadaasi u Abdirazaq qaaday.
Abdirazaq H. Hussein wuxu ku dhashay magaalada Galkacyo sida la sheego sannadkii 1924 haatanna ku geeriyooday 90 jir ayaa dhanka kale ay xafiiltan siyaasadeed lahaayeen AHUN isna raysal wasaarihii hore ee ka soo jeeday Somaliland Mohamed Haji Ibrahim Egal iyo ninkii ay isku gobolka ahaayeen Abdirisaq balse saaxiibka la ahaa Egal ee isna dalkaa ka noqdey madaxweyne iyo raysal wasaare labada AHUN Abdulrashid Ali Shermarke oo isna ay col siyaasadda ku ahaayeen. Labada nin ee reer Mudug ee ahaa madaxda aan dhicin ayaa woqooyi looga yiqiin CABDI-YADA ama labada Cabdi hadba sida la doono, iyadoo hadalkan koobani u astaan u ahaa diidmo muujinaysa ilmaadeerro dalkii ka taliya.
Abdirazaq wuxu ka mid ahaa dadkii dhaxalwareejiyay haybaddii shacabka rteer Somaliland isagoo ka mid ahaa madaxdii koonfurta ee aan reer woqooyiga waxba u oggolayn islamarkaana aan diyaarba u ahayn inay dhagaystaan cabashada ka soo yeedhaysa shacbiga halkaa ku dhaqan.
bilowgiiba dawladnimada ee ku addan horraantii lixdamaadkii ayaa durba isku dhac siyaasadeed oo aad u baaxad weyn la kowsaday, kaasoo laga xusi karo in gadoodkii ciidamada reer woqooyi ka hor isku dhafkii militariga xilli u baarlamaankii aynaan codka ku lahayni u ansixiyay distoor ay oggolaatay koonfur oo qudha oo dhammaan inta ah xuduudaha haatan ee Somaliland ay si wadajir ah iyagu u diideen balse aan codkooda la ixtiraamin, taasi waxay dhalisay in saraakiishii sarsare ee ka soo baxay Sandhurst Milatary Academy ee reer woqooyiga ahaa ay qaataan go'aan geessinnomo leh oo ahaa mid ay ficil ugu turjumayaan dareenka shacabkooda ujeedadiisuna ahayd inay dib u soo celiyaan xorriyaddii marin habowday, waayo sida shuruucda caalamiga ahi dhigayso marka laba dal ay midoobaan waa inay samystaan distoor cusub oo ay shacbiga labada darafba oggolaadaan, haddii ay dhacdo in qolo yeesho qolona diiddo waxa isla shuruucdaasi dhigaysaa in mar kale toos loo kala baxo lana bilaabo wadahadal ku aaddan saami qaybsiga iyo wax ka beddel lagu sameeyo distoorka si afti dambe loogu qaado, taasi oo aan iyana dhicin balse u baarlamaankii dalkaasi oo ay awood ku lahaayeen u sifo xoog ah oo sharciga baalmarsan ku meel mariyay dhaqangelinta distoorkaa isaga ah.
Egal ayaa Alle ha u naxariistee wuxu ahaa siyaasiga yaqiinsaday in aanu jirin xal kale oo aan ka ahayn in siyaasad la ciyaaro lana kala jabiyo reer koonfureedka si reer woqooyiga u qabtaan kuraasta sarsare ee dawladda waana marka u bilaabay loollankii cuslaa ee la magac baxay IRIRISM oo ay Isaqa ku weheliyeen Hawiye iyo Dir taasoo ahayd mid uu guul weyn ka gaadhay kuna hantay jagadii raysal wasaarennimo doorashadii dhacday sannadkii 1967.
Waxa ayaan darro ahayd in Abdirazaq haji Hussein oo ka cadhaysan in reer woqooyi ay gaadheen derejadaa u markiiba shir ugu qabtay garabkii u hoggaamin jirey ee xisbiga SYL magaalada Merca halkaasi oo ay sheegeen in aanay aqbalynin natiijada ka soo baxday doorashadaa iyada ah, Abdirazaq wuxu saaxiib dhow la ahaa Aden Adde oo beeshooda xididin jirey gabadh u qabay awaadeed, halka u Egal ka xodxodtay qolada majeerteen boqorrada u ahayd oo kow ka ahaa Muse Boqorre oo isna taageeri jirey Abdirashid Ali Shermarke.
Guusha Egal looma arkin mid xisbi ama qof u gaadhay waxaana bilaabmay guux reer koonfureedka gudihiisa ah oo inta badan ay Dhabayacada Majeerteeniya hagi jirtey kaasi oo aakhirkii ku fidey dhammaantood ahaana kii laba sano ka dib sababay in milatariga oo u hor kacayo Siad Barre ay xukunka ka tuuraan Egal iyagoo doorkoodu ahaa mid ka turjumaya dareenka dadkooda ee xilligaasi oo dabcan ahaa u quudhi waa jagadaasi u helay. Balse doorkan ayaa haddana mar kale masiirkii reer woqooyi u galay mugdi kale oo hor leh.
Aqooyahanka bahda suugaanta oo arrimaha xoog u cabbirey isla wagaasi ayaa laga xusi karaa xikmadihii ay baahiyeen rag ay ka mid ahaayeen AHUN Abdullahi Suldan Timacadde iyo halabuurka miiggan ee Ali Sugulle '' Dun Carbeed''. Qaasim, Abdi Iidaan, Barkhad Cas, Ibrahim Gadhle, Abdillahi Qarshe iyo kuwo badan oo kale dhammaantoodba Alla aa wada naxariistee oo ahaa jiilkii xorriyadda iyo dabcan jiilkii ka dambeeyay oo halkaa sii huriyay dabkii ay kuwaasi shideen siina ambaqaaday raadkoodii oo ay ka mid ahaayeen Abdi Aden Qeys, Mohamed Ibrahim Warsame Hadraawi, Garriye iyo raxan kaloo wada garanaysaan oo aynaan halkan ku wada xusi karin ilaa laga soo gaadhayay kuwii halgankii dibu xoreynta SNM oo inta badan wada taqaannaan.
Ba haddabal aan halkan ku xuso laba tusaale oo ka mid ahaa murtidii dhaxal galka ahayd ee ay reebeen abawaanadaa hore qaar ka mid ah kuna bilaabo Tixda u Timacadde ka yidhi mar u booqasho Hargeisa iyo Burco ku soo maray Abdirzaq oo Raysal wasaare ah oo ahayd waagaad maqasheen ee la yidhaahdo dhabarkaa loo jeediyay isna u yidhi sii jeedka ayaabad qurux badan tihiin, wuxu maalintaa mariyay AHUN Timacadda maanso la mgac baxday '' MIDINA WAA DACWADDAYDA'' Waxaanu yidhi:
Maalintii dabku qiiqayeen
Isticmaarkii is diidnay
Nimankii danta sheegtayee
Dariiqooda ka leexanee
Dacwaddooda dhammaystayee
Dalkan caawa aan joogno
Dulligii isticmaarkiyo
Dahaadhkiiba ka siibayee
Karal daaqad ka saarayee
Duddaanu ahayn,
Dawlad soo gashay mayhine
Danteennaa laba diidaye
Dabuub aanu maqlaynay
Dareen baan ka qabnaayoo
Dugisii baarlamaankiyo
Dekeddii xamar baa leh
Berbera daadku ha qaado
Doonniyi yaanay ku weecan
Duqaydii baarlmaankaay
Labadaa kala daayoo
Yaan loo daymo la’aan".
Abdullahi Suldaan Timacadde
Waxa isna aynu soo qaadanaynaa maanta hees u waagaasi tiriyay Ali Sugulle oo la magac baxday Ingiriisku wuxu yidhi, haddii aan beyd ka mid ah ereyadeeda halkan ku xuso wuxu abwaanku u dhigay sidan soo socota: WAXAA EEBBAHAY FURAY- INTEENNII KALOO MAQAN, INAAD XAMAR IS RAACDAAN, HADDAYSLA OGGOLAATEEN, IDINKOO ITAALDARAN, WAA LA ARKI DOONAA, IRRIDDU WAY BANNANTEE, HADDII AAD ILLOWDEEN WAA OGEYSIIS. EEDAADKA SOO MARA UMMUL BAA ILLOWDEE, ALLOW SAHAL UMUURAHA ADAA NOO AQOONEE. Heestan oo ah mid aad qiimo badan oo dhagaysigeedu u muwaaddin walba ku habboon yahay siiba inta aan waayihii xorriyadda lala soo maray fikrad ballaadhan ka haysan, waana tan heestaa taariikhiga ah oo ay Magool xilligeedii innoogu luuqaynayso: http://maalmo.com/hees/h/halimo-khalif-magool_inagariiska-waxuu-yidhi.html.
Geerida Abdirasaq waxay inna xusuusinaysaa xanuunkii laga soo mutay midowgii Somaliland iyo Somalia oo ah mawduuc aynaan halkan ku soo koobi karin balse ah mudan in la is dul taago maanta oo kale xilli weliba ay socdaan wada hadallo culculus oo ku aaddan aayo ka talinta isla dadkii waxaasi oo dhibaato ah horey u soo maray, qaabka ay u socdaan wadahadallan haatan dhowrka sannadood maraya ayaa ah kuwo khilaaf lexaad leh ka dhex dhaliyay dadka wadaaga masiirkaa weyn, waxa la yaab leh inaan la weynayn meeqaanka wufuudda matalaysa ummaddan iyada ah oo ay ahayd in qodobkaa aad loo taxaddaro si aan mar kale fashil xumi u dhicin iyo in mar hore miiska la keeno yoolka madaxbannaanida halka taa looga hormariyay rabitaanka bulshada caalamku qodobbo ay wateen oo odhnaya marka hore ku bilaaba wadahadalka inaad ka heshiisaan wixii COMMON VALUES AH, siiba wada shaqyn dhinacyada arrimaha argagaixsada ama nabad gelyadaba iyo dhanka budhcad badeedda iwm iyo dabcan arrimo aan midayn arrimaha dalka ka fogeyn sida mideynta hawada iyo wax la jaad ah oo dhammantood u socda jiho aad u khaladan marka la barbar dhigo arrimaha gooni isu taagga iyo qarannimada Somaliland oo calamo miis la saaray lagu qanciyo waxaanay wadahalladani tebayaan dadkii ehelka u ahaa hadday tahay waayo aragnimo taariikheed iyo haddii ay dhica sharciga iyo ka wada qayb galka bulshada tahay intaba.
Waxan ku talin lahaa in lagu cibro qaato waayihii la soo maray weliba inta u qabta in arday muddaharaadaysa oo rasaas lagu furey ay ugu horreysay dawladdii Siad Barre ee goob joogga u ahaa wixii dhacay 1982 malaha waxa ka daahsoon in 1968 ay dawladdii rayadka ahayd Hargeisa ku laysay arday muddaharaadaysa, kuwa u qaba in xasuuqii 1988 dartii loo goostay ha ogaadeen in arrinku aanu ugub ahayn balse u ahaa mid ahaa ka soo bilaabmay afduub ku dhacay qarannimmo idil ilaa sannadkii 1960 oo ahaa waagii ay Maandeeq marin habowday.
Ali Mohamoud Noor Ali Eid