Booliiska Berbera oo xidhay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil iyo laba Xildhibaan.
Posted by abdi on May 29 2014 09:59:37

Booliiska magaaladda Berbera ayaa manta xidhay guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka kuwaas oo saaka doonayey inay xaflad ay ku taageerayaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku qabsadaan magaaladda Berbera.


Extended News

 

 

Hargeysa(Hargeysa Online) Booliiska magaaladda Berbera ayaa manta xidhay guddoomiyaha gobolka Saaxil iyo laba xildhibaan oo ka tirsan golaha deegaanka kuwaas oo saaka doonayey inay xaflad ay ku taageerayaan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ku qabsadaan magaaladda Berbera.

Xildhibaanada Golaha Deegaanka ee la xidhay oo kala ah Rashiid Aw Xasan iyo Xildhibaan Daahir Aw Nuur waxa la geeyey saldhiga Dhexe halkaas oo illaa hada lagu hayo, Halka Halac Dhagoole oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye inta xaruntii lagala wareegay isagana loo taxaabay saldhiga.

Dhacdada saaka Booliiska iyo taageerayaasha Muuse Biixi dhex martay ayaa ahayd mid illaa shay la hadal hayey, kadib markii ay Booliisku shalay ku war galiyeen in aanay qabsan wax shir ah oo la xidhiidha arrimaha Xisbiga.


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.