Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye isku manndhaafsan labaduba hadal gar
ah ayay ku doodayaan. Labadaa xaq, sideed u kala saareysaa adoon
xisbigii dhaawacin?
Labada Garab ee Xisbiga Kulmiye isku manndhaafsan labaduba hadal gar
ah ayay ku doodayaan. Labadaa xaq, sideed u kala saareysaa adoon
xisbigii dhaawacin?
Doodda 1aad:
Marka ay asxaabtu tartameyso, xisbul xaakimka ayaa ka fursad roon
axsaabta mucaaridka ah inu doorashada helo – waa marka uu yahay xisbi
adag. Xisbul xaakimku uu ka dhaqaale roon yahay waanu ka magac
dheeryahay axsaabta kale. Axsaabta muxaafadka ihi waxa ay inta badan
mar labaad soo sharxaan madaxweynaha markaa xilka haya oo ay bidayaan
inu ka fursad roonyahay qof cusub oo la soo sharxo. Waxa keliya oo ay
qof cusub soo sharaxaan haddii ay ku qancaan in madaxweynahaa markaa
xilka haya ay sumcaddiisu liidato oo laga baqayo inaanu doorashada
heleyn. Haddiise xisbigu ku qanacsanyahay inu madaxweynaha xilka hayaa
somcad leeyahay oo uu doorashada soo bixi karo, ma jirto sabab uu
xisbigu khatar u qaato oo uu nin cusub u soo sharxo.
Doodda 2aad:
Xisbi siyaasadeed waxa loo furtaa si siyaasiyiinta iyo madaxda
xisbigaasi uuga ololeeyaan si markaa xisbigu doorashada u helo oo uu u
qabto hoggaaminta dawaladda. Markii madaxweyne Silaanyo xilka qabtey,
madaxnimaddii xisbiga wuxu ku wareejiyey Muse iyo rag kale oo
ku-xigeenadiisa ahaa oo aan dawladdii la soo dhisey laga qeyb gelin.
Xisbigu maaha wasaarad miisaniyad leh. Maaha meel mushahar laga qaato.
Waxa keliya ee Muse iyo ku xigeenadiisu ay xisbiga u dhisayaan ee ay
xoolo iyo wakhti u gelinayaan waa idinna ad doorashada danbe soo
gashaan oo dawladda madax ka noqotaan. Haddii aaney taasi jirin, maxey
tahay waxa kale ee loo sheegayaa ee la leeyahay yeela? Ma qofbaa meel
aanu hadaf ka laheyn iska fadhiya.
Labadan doodoodba waa macquul oo mid walbaa markaad gooni u dhageysato
waad u garaabeysaa. Labada dhinac ee doodani ka dhexeysaa haddii ay
degenaasho iyo garnaqsi iskugu yimaadaan waxa dhici karta iney isu soo
dhawaadaan. Caqabadaha hortaagan in la isu soo dhawaado waxa kow ka ah
dadka kale ee xisbiga madaxda ka ah oo halkii ay dhexgeli lahaayeen
inagu kala dara yidhi. Waxa dhinac kasta buufinaya raxan siyaasiyiin
ah oo iney wax sii adkeeyaan mooyaane aan dhinaca maslaxada eegin.
Haddii maanta xisbigu fashilmo oo uu doorashada waayo, waxa ay u
badantahay in madaxweynaha iyo gudoomiyaha xisbiguba ay iska
fadhiistaan oo aaney xisb kale ku biirin. Hasa yeeshii siyaasiyiintan
kale ee taageerayaashooda ihi waxa ay u badan yihiin kooxo kolba
meesha ay ka shidantahay u guura oo aan mawqif qaar ah laheyn oo marka
uu xisbi ka burburo mid kale uun ku biirayaa.
Carqaladda labaad ee xisbi hortaagan waa taagerayaasha u weyn ee
xisbiga oo beeleysan. Haddii markaa madaxda xisbiga u sareysaa is
qabsato, beelihii eeganayey siyaasiyiinta ayaa guuxayaa oo waxa ay
odhanayaan inankayagii ayaa la xumeynayaa. Haddii labada garab mid
laga adkaado, waxa ay u dhigantahay reer hebel ayaa la xumeeyey (hadda
waa marka laga eego dhinaca dadkeena caadiga ihi ay u fikiraan).
Muxuu Khilaafka Xisbiga Kulmiye ku dhamaan karaa? Marka ad meel soke
ka eegto, waxa kuu soo baxaya inay saddex waji mid uun u dhici karto
oo kala ah:
1. In labada garab heshiiyaan oo isu tanaasulaan.
2. In garabka Madaxweynahu guuleysto oo garabka kale meesha laga tuuro
amaba iyaga oo aan raali aheyn ay xisbiga sii dhex joogaan.
3. In garabka Guddoomiyaha xisbigu guuleysto oo garabka kale laga
adkaado oo marka ay meesha ka baxaan amaba ay xisbiga sii dhex joogaan
iyaga oo xanaaqsan.
Saddexdan siyaalood ee ay wax u dhici karaan waa marka laga eego intan
kooban ee muuqata. Balse Sawirka weyn eeg oo ka fikir saameynta ay
yeelan karto natiijo kasta oo khilaafku ku dhamaado. Waxa kuu soo
baxaya labada siyaalood ee ay arintani ugu danbeynta ku dhaamaan
doonto oo kala ah:
1. Xisbi dhaawac soo gaadhey oo sumcadiisii shaki la geliyey oo u
baahan dedaal badan si uu sumcadiisii u soo ceshado. Taasi waa marka
ay labada dhan heshiiyaan oo ay isu tanaasulaan iyaga oo raali ah.
2. In xisbigu meesha ka baxo oo kalsoonidii taageerayaashiisu ku
qabeen ay lunto. Taasi waa marka labada garab midkood adkaado. Kii
doonaa ha adkaado, xisbi dhiig baxaya ayaa meesha ku soo hadhaya,
waaayo tiirarka ay axsaabteenu marka horeba ku taagan tahay ayaa ah
wax la isku dhoodhoobay oo aan rasmi aheyn uuna badan is xulafeysi
beelo iyo kooxo siyaasiyiin isku dan ah.
Waxa muhiim ah in labada dhan ee is haya inu dhan kastaa fahmo waxa u
darán dhanka kale oo uu marka la yimaaddo wax uu ku qanciyo dhanka
kale oo u cuntama oo uu kaga maarmo madaxweynanimada. Kursiga ad
iminka fadhido iiga dag waa markeygiiye wey adagtahay! Anigaa
madaxweyne marlabaad isu sharxaya ee adna xisbiga hawada madhan ah
iska sii dhex joogjoog war nin weyn maaha, waxa meesha yaalaana ma
qeybsamayo.
Maxaa xisbiga maanta la gudboon? Kursigu laba qof ma wada qaado ee hal
qof uunbuu qaadaa. Qofka kursigaa loo gartaana kama maarmo kakale ee
uu meesha ka riixey oo waa la hubaa la’aantii iney doorashadu ku
adkaan doonto. Cid kasta oo dhexdhexaadineysa arintaasi waa iney la
timaaddo wixii lagu qancin lahaa qofka laga guuleysto. Kama hadlayo
qancis afka ah ee waxa an ka hadlayaa qancis muuqda. Ma madaxweyne ku
xigeen ayuu noqonayaa? Ma lacag ayaa la siinayaa oo hamigiisii waa
laga iibsanayaa? Illeyn ninkaa laga badiyey la’aantii ka badiyey wax
noqon maayo amaba khatar ayuu geli karaa.
Waxa aad muhiim u ah in dhinaca tanaasuley aad uuga shaqeeyo sidii uu
taageerayaashiisa uugu qancin lahaa in waxa lagu heshiiyey yahay
taladii saxa aheyd sidaa darteedna ay taageeradoodii sii libin
laabaan. Wixii aan sidaa aheyd, wuxu noqon doonaa xisbi taariikhda
lagaga sheekeeyo sidii UDUB oo ay ardeyda jaamacaduhu ku sameeyaan
daraasado ku saabsan sida uu xisbi ku guuleysto iyo sida uu ku
burburo.
Bile – Aqoontq U Adeegta Nolosha
[email protected]