Saraafadda Maraykanka uu ku leeyahay dalka Uganda ayaa markale ka digtay weeraro argigixiso oo ka dhaca dalka Uganda inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Saraafadda Maraykanka uu ku leeyahay dalka Uganda ayaa markale ka digtay weeraro argigixiso oo ka dhaca dalka Uganda inta lagu guda jiro bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Safaarada ayaa sheegtay in ay hayso Macluumaad muujinaya in Xarakada Al-Shabaab ee Soomaaliya ay maleeegayso weeraro argigixiso oo ay ka fuliyaan dalka Uganda.
“ goobaha bartilmaameedka ah waxaa ka mid ah Hoteelada, Maqaaxiyaha, goobaha lagu cawweyo sida Clubyadda , xarumaha Diplomasiyiinta, iyo laamaha socdaalka” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda dowladda Maraykanka ay ku leedahay dalka Uganda.
Dowlada Uganda ayaa qayb ka ah howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyadoo ay xusid mudantahay in dalka Uganda ay ka dhaceen sanadkii 2010 weeraro qaraxyo ah oo dad badan ay ku dhinteen Masuuliyadoodana ay shegatay dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.