Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Ku Cadeynayaa In Aan Labada Gole Deegaan Hargeysa Iyo Sallaxley.
Ujeedo/Canbaareyn Aad U Xoogan (Falka Foosha Xun Ee Wasaarada Arimaha Guduhu Ka Wado Dagmada Sallaxley)

Hargeysa (Hargeysa Online) Xisbiga Cadaalada Iyo Daryeelka Ee Ucid Waxaa Uu War_Saxaafadeedkan Ku Cadeynayaa In Aan Labada Gole Deegaan Hargeysa Iyo Sallaxley Lagu Muransiin Arin Cadaan Ah Oo Aan Mad Madaw Ku Jirin
Labada Gole Deegaan Ee Sallaxley Iyo Hargeysa Waxa Qolo Waliba ku Ekaanayaan Halkii Looga Codeeyey Ee Sanaaduuqdoodu Taaley.
Aduunka lama arag Gole Deegaan oo Halkii looga codeeyey Ee Ay Codkeeda ku soo Baxaxeen la yidhaa meel kale ayaa laga xukumayaa.
Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Canbaareynayaa Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Iska Horkeen Ka Dhex Wada Labada Gole Deegaan Ee Hargeysa Iyo Sallaxley isla markaana Dhex Dhigtey Muran Aan Hore U Dhex oolin.
Xisbiga Ucid Waxaa Uu Wasaarada Arimaha Guddaha U Soo Jeedinayaa In Ay wax ka Qabato Dhaliilaha Dul Hoganaya Iyo Fashilka siyaasadeed Ee Wasaarada Arimha Gudaha Ee Aaney Ku Mashqulin Isku Dirka Labada Gole Deegaan Ee Hargeysa iyo Sallaxley
Golaha Deegaanka Hargeysa Waxaanu u soo jeedineynaa in ay ku Ekaadaan halkii looga Codeeyey kuwa Sallaxleyna ku Ekaadaan Halkii Looga Codeeyey
UCID-Media Group
Hargeysa.
Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.