Hambalyo, Hambalyo Halyeyga Orodyahanka ah ee u dhashay Jam. Somaliland Mohamed(Mo) Farah
Posted by xaaji on August 06 2012 16:24:00

Dhammaan Bulshada Jam. Somaliland ee ku nool UK, gaar ahaan magaalada Birmingham waxay halkan Hambalyo badan iyo Bogaadin sareba uga soo dirayaan Halyeyga Orodyahanka ah ee u dhashay Jam. Somaliland Mohamed(Mo) Farah guushii taariikhiga ahayd ee uu ka soo hooyey Ciyaaraha Caalamiga ah Olympics-ka London 2012, taasoo uu si xarago leh ugu guulaystay billadda Dahabka ah ee orodka 10.000m, isla markaana uu ku yidhi Ha Na Haybsanina uguna quus gooyey Itoobiyaankii iyo Kiiniyaatigii orodkan muddo badan xaaraanta ku haysan jiray.

 

Orodyahanka caanka ee Mohamed (Mo) Farah waa muwaadin Somalilander dhab ah oo aan marnaba qarin jacaylka iyo qiimaha uu u hayo dalkiisa iyo dadkiisa Somaliland.

Guntii iyo gebagebadii waxaanu Halyeyga Orodyahanka ah ee u dhashay Jam. Somaliland Mohamed(Mo) Farah  mar kale leeeyahay: Hambalyo, Hambalyo Allaylehe waad mutaysatay billadda Dahabka ah ee aad dalkaaga (UK) u soo hoysay iyo Sharafta iyo Karaamada aad huwisay ummaddaada iyo halkii aad asalka u lahayd (Jam. Somaliland), midna ogsoonow: Haybad Eebbe ku siiyey Hebello kaama qaadi karaan!  Halkaa ka sii wad dadaalka, ALLAH ha kuu sii kordhiyo guusha iyo horumarkaba.

 

Wa Billaahi Tawfiiq.

 

Architect-Eng. Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr)