Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in Kooxo hubeysan ay gudaha u galeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Posted by ifraax on July 09 2014 07:24:24

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C.wali oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday.


Extended News

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ridwaan Xaaji C.wali oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da ayaa shaaca ka qaaday Dagaal yahano ka tirsanaa Ururka Al Shabaab oo Weerarka ku soo qaaday Xarunta Madaxtooyada in ay gudaha u galeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.


Ridwaan Xaaji C.wali ayaa sheegay in Kooxahii Weerarka soo qaaday in ay isku dayeen in ay qabsadaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya balse waxuu tilmaamay in Ciidamada Amaanka ee Dowlada Soomaaliya in ka hortagaan Raggii ka tirsanaa Al Shabaab.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu tilmaamay in Weerarkii Xalay lagu qaaday Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya gaar ahaan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya in wax Qasaaro ah aan soo gaarin Mas’uuliyiinta Dowladda Sooomaaliya.

Sikastaba, amaanka Magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha ka sii baxaya tan iyo markii ay dhalatay Bisha Barakeysan ee Ramadaan iyadoona xusid mudan in Al Shabaab ay kordhiyeen Weeraradooda ka dhanka ah Saraakiisha, Xildhibaanada Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka iyo Xarumaha Dowlada Soomaaliya.


Ayaan maxamed cismaan.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.