Xisbiga Ucid oo Magacaabay Xoghayaha Kaluumaysiga iyo khayraadka Bada ee Xisbigaasi.
Posted by abdi on July 12 2014 17:04:06

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid En.Faysal Cali Waraabe ayaa Magacaabay Xoghayaha Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada.


Extended News

Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid En.Faysal Cali Waraabe ayaa Magacaabay Xoghayaha Kaluumaysiga iyo Khayraadka Bada. warsaxaafadii uu soo saaray ayuu ku sheegay macagaabistaasay waxaanu war saxaafadeedkaasi oo dhamaystirani u dhignaa sidan:

Gudoomiyaha Xisbiga Caddaalada iyo Daryeelka UCID, Markuu latashaday Guddida Fullinta ee Xisbiga UCID, Markuu arkay baahida wayn ee loo qabo in la Magacaabo Xilka Banaan ee Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID. Ka dib Markii uu arkay firfircoonidiisa iyo kartidiisa mudadadii uu Xisbiga ka tirsanaa Waxa loo Magacaabay Maanta oo ay Taariikhdu tahay 12/07/2014, Md. Cabdillaahi Cumar Xuseen (Shaqalle), Xoghayaha Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Xisbiga UCID.



Sidaa awgeed waxa la faray in hawshiisa si dhakhso ah u bilaabo kana soo baxo waajibaadka loo igmaday.

Waxaanu Illaahay uga baryaynaa in uu u fuduudeeyo xilka loo dhiibay.





Wabillaahi Tawfiiq

Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe