Nin dhaawacay afar qof ka mid ah dad ku tukanayay Masjid ku yaala Caasimada Hargeysa.
Posted by abdi on July 12 2014 17:11:12

Afar qof ayaa xalay ku dhaawacmay magaaladda Hargeysa ka dib markii nin xalay tooray la dhacay dad masaajid ku tukanayey.


Extended News

Afar qof ayaa xalay ku dhaawacmay magaaladda Hargeysa ka dib markii nin xalay tooray la dhacay dad masaajid ku tukanayey.

 

Lama sheegin sababta ninkani Tooray ula dhacay dadkaasi tukanayey, isla markaana illaa hadda ciidanka amnigu kama hadal, haseyeeshee dadka qaar ayaa sheegayey inuu ninkaasi maskaxda ka xanuunsanayey.

Dadkii ku dhaawacmay Toorayda ayaa markiiba loola cararay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargeysa, inkastoo la sheegay inay dhaawacyo fudud ahaayeen.

Sidoo kale, isla goobtii shilkani ka dhacay waxa soo gaadhay ciidanka booliska oo markiiba gacanta ku dhigay ninkii Toorayda dadka tukanayey la dhacay kaas oo loo taxaabay xabsiga.

Dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa la anfariiray ninka masaajidka la dhex qaaday Tooray, iyadoo la sheegay in dadka dhaawaca ahaa uu ku jiray imaamkii masaajidka .


Maxamed Xasan dheere.
Xafiiska Wararka ee Hargeysa Online.
Hargeysa Somaliland.