Garabka Haweenka ee Waqooyiga Ameerika ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, aha Safiirka Wareega ee xisbiga Marwo Suhuur Xasan Abiib.
Garabka Haweenka ee Waqooyiga Ameerika ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, aha Safiirka Wareega ee xisbiga Marwo Suhuur Xasan Abiib, ayaa sheegtay in aan Somaliland midnimadeeda lagu saxeexin sidan ay wakhtigan u dhaqmayso Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Siilaanyo oo ay ku tilmaantay inay shacabka dalka iyo golihii ummadu soo dooratayba u adeegsadtay xoog.Marwo Suhuur oo hadda ku sugan dalka Canada, ayaa sidan ku sheegtay qoraal kooban iyadoo sidoo kale-na Siilaanyo xasuusisay wakhtigii uu mucaaradka ahaa ee dhacdadan oo kale ka dhacay Golaha Baarlamaanka inuu Guddoomiye Cirro ahaa masuulkii u badheedhay rasaastii lagu ridayey ee furay Golaha markii ay xukuumadii hore ee Rayaale xidhay. Waxaanay tidhi Guddoomiyuhu “walaalayaal siddani maaha sidii wax lagu saxayey, Somalind shicibkeedu diyaar uma aha dagaal iyo keligii taliye. Maalintey tanoo kale dhacdey waxa mucaarad ahaa Madaxwenaha iminka talada haya oo markii Baarlamaanka laga xidhey ee xabada loo Adeegsadey xisbiga kulmiye, Ninkii ka furey ee xabada u badheedhey Cabdirahmaan Ciro ayuu ahaa taasi markhaati madoon weeye”. Safiirka Wareega ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Marwo Suhuur, ayaa sidoo kale Xukuumadda u soo jeedisay inay faraha kala baxdo guud ahaan shaqadda ay Baarlamaanku u hayaan ummaddii soo dooratay, waxaanay tacsi u dirtay dadkii maanta ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay-ba mudaharaadadii guud ahaan dalka gilgilay waxaanay tidhi “Markaa waxaan xukuumada Somalilad farayaa dhamaantood in ay faraha kala baxaan Baarlamaanka iyo Howlihiisa iyo cabudhiska saxaafada, shacabka. Sharciga u yaala Wadanka Somaliland. Nabad ha lagu xaliyo wax walb, inta inaga dhimatey Alle ha u naxiirto inta dhaawaca ahna Illaahey nabaradooda ha fududeeyo”. Gabagabadii Guddoomiye Suhuur, waxa ay ugu baaqday Xukuumadda inay ka dayso ciidanka loogu talo-galay inay dalka dufaacaan ee ay shacabka u adeegsanayso, waxaanay tidhi “Ciidamada RRU da ee wajiga shacabka u duubtey waxa laga filayeyin ay danaha dalka difaacaan. Taariikhda ayaa qori masuul; kastaa sidda uu shacabka ula dhaqmo.
Hargeysa Online.